Ninkii ciidamo Qaran ku Qanci waayay, waa in Daraawiishta heer Gobal ah uu gacantiisa ku biillo=Nasashada Jimcaha.Q-119aad=.

0
Friday October 26, 2018 - 21:11:40 in Wararka by
  • Visits: 757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ninkii ciidamo Qaran ku Qanci waayay, waa in Daraawiishta heer Gobal ah uu gacantiisa ku biillo=Nasashada Jimcaha.Q-119aad=.

    1-Nin cabtooy ah ayaa gurigiisa yimid, si uu uga qariyo xaaska inuu soo cabay uuna sakhraan yahay, wuxuu go'aansaday inuu soo qaato Laptop kiisii, wuxuu bilaabay in uu wax qoro: waxay ku tiri: Waryaa ma cabsan tahay, wuxuu yiri: Maya, maya, sow

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Nin cabtooy ah ayaa gurigiisa yimid, si uu uga qariyo xaaska inuu soo cabay uuna sakhraan yahay, wuxuu go'aansaday inuu soo qaato Laptop kiisii, wuxuu bilaabay in uu wax qoro: waxay ku tiri: Waryaa ma cabsan tahay, wuxuu yiri: Maya, maya, sow anigan wax qorayo. waxay ku tiri: Alkoliiste, waxaad garacee ee aad wax ku qoreysid ma ahan Laptop ee waa Boorsadeeydii. (F.S: 1aad).

( Nin dibadda ka yimid oo wato shahaadada Jaamacdeed ee Xisaabaadka, ayaa xisaabiye laga dhigay, waxaa la siiyay makiinada xisaabaadka ,waxaa lagu yiri: isku soo dar dar Dakhiliga dowlada ee bishii hore, usbuuc kadib ayaa la arkay isga oo farahiisa ku tirinayo xisaabtii. Waxaa la yiri: Maxaa dhacay?. wuxuu yiri: Xisaabtaan jajab ayaa ku jiro, Qof faraha ka go’an ayaa loogu talo gali jiray Dalkii aan ka imid,waa lagu fahmay Ex-……).

2-Naag ayaa dhaqtar ku tiri: Ninkeygu markuu seexdo quuradiisa iyo qarawgiisa lagama hurdi karo, waxa uu sheegayana lama fahmayo. Dhakhtarkii ayaa ku yiri: waxaan kuu qoraa Daawo ka joojiso qarawga , waxay ku tiri: Maya , ii qor Daawo codkiisa qarawga fasiix ka dhigeyso, si aan u fahmo waxa uu ku qarwayo.

( Ingriiska Reer Diasporo qaar waa fahmi weynay,ee daawadee loo qorayaa?)

3- Baadiyaha ayaa ku maqli jiray nin tuug ahaa, ayaa qabay Xaas wanaagsan oo Tuuganimada ka waaniso, Xaaskii ayaa ka geeriyootay,Xaas kale ayuu soo aroosay, dhowr cisho kadib ayaa wax la cuno la waayay, ninkii waa qaraab tagay, laba cisho kadib isaga oo aan waxaba wadin oo is leh xaaskaagii hadda ma noolo ayuu soo noqday, waxa loo keenay , Garab cadiiman iyo Baar, waxaana dabka saarnaa hilib kale, wuxuu yiri: Xageed ka heshay khayr kaan, waxay tiri: Dad xoola safarsanayay oo halkan marayay ayaan ka reebay hal wan oo cadiin ah. Waxaan is lahaa duqu yuuna kaa baahan. Wuxuu yiri: Tii horeba ka roon, Aniga & Adigu indho isku waaraya ayaan leenahay. ( F.s: 2aad).

(Walee kuwo aan maanta soo arkay, sabab ay Xafiiska iskula sii joogaan ayaa jirto)

4-Cali oo 16 jir ah ayaa qalqaaliyay Aamino oo 15 jir ah, waxay tiri: waxa aan ka baqayaa Uur in aan yeesho, waana ku booday. waxa uu yiri: soo bax, waxay u tageen macallimadii iskoolka oo Qof da’ah aheyd, wuxuu ku yiri: Macalin, markaad da’deena oo kale aheydeen Caruur inaad dhashaan miyaa wal wel idinku heysay. Macalimaddii oo Jiilkii hore aheyd, Waxay tiri: maya, 15 miyaa caruur in la dhalo laga welwela.

Casho ayuu gacanta ka soo qabtay,mana sugin ujeedada Macalimadda, si ayna Caasho u fahmin. wuxuu ku yiri: Ma maqashay jawaabta macalimadda, ha wel welin. ( F.S: 3aad).



( Dhalinyarooy haddaad maqasho ballan qaad siyaasi, su’aal kale is weydii, wal walkaagana heyso).

5-Faatima ayaa maalin kasta "Mogadishu Mall” ku arki jirtay xildhibaan Cali Muqayil. Wuuna u qoslaa maalin kasta, waxa ay ku tiri: Maalin kasta markaan ku arko adiga oo ii qoslayo waxaan ku fekeraain aad ii raacdo Xarunteeyda. Isaga oo faraxsan ayuu yiri: Gabar miyaa tahay mise Garoob. Waxay ku tiri: waxaan ahay Dentist. ( Dhakhtarka ilkaha). ( F.S: 4aad).

( Intaadan gabdhaha faduulin, is fiiri).

6-Nin ayaa naagtiisa oo aad u buurneyd ku yiri: waxaad u egtahay Mashiinka dharka lagu dhaqo. Wey ka carootay laakin wey iska aamustay. Habeekii iyada oo Sariirta la jiifo ayaa damac ka galay wuuna u soo dhawaaday. Weey ka sikatay waxa eyna ku tiri: Mashiin weyn oo dharka lagu dhaqo uma shidi karo hal shaati oo yar ee gacantaada ku dhaqo.( F.S: 5aad).

(Ninkii ciidamo Qaran ku Qanci waayay, waa in Daraawiishta heer Gobal ah uu gacantiisa ku biillo).

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip