SHEYDAAN KA TAHRIIBAY SOOMAALIYA!!!.

0
Thursday October 25, 2018 - 19:07:31 in Wararka by
  • Visits: 801
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHEYDAAN KA TAHRIIBAY SOOMAALIYA!!!.

    Markii la weydiiyay, maxaad Somaliya uga tahriibee?. Marxaladaan xasaasiga ah ee sida aadka ah laguugu baahan yahay: Gobaladana ey Doorasho ka soo dhawdahay, madaxdiina is khilaafsan tahay, Laaluush la bixinayo, Dadkuna ey galayaan Dambiya waaweyn si

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii la weydiiyay, maxaad Somaliya uga tahriibee?. Marxaladaan xasaasiga ah ee sida aadka ah laguugu baahan yahay: Gobaladana ey Doorasho ka soo dhawdahay, madaxdiina is khilaafsan tahay, Laaluush la bixinayo, Dadkuna ey galayaan Dambiya waaweyn sida in ey dilaan walaalhooda Muslimka ah, Beentuna ey ka sara martay Runtii, Madaxdiina daacadnimadu ku yaraatay, Fisqigiina batay, Gaaladiina Gacal la mooday. Maxaad uga tagee Somaliya?.

Waxa uu yiri: waan ogahay in Howshaa oo dhan la iiga baahan yahay, laakin waxaa jira wakiil aad u yaqaan xirfadan siina wadi kara, markaa waxaan aadayaa wadamada kale oo la iiga baahan yahay.

Waa Md.Qabyaalad, isaga ayaa qaban kara wixii shaqa ah ee la iiga baahdo, Dulmi, Dil, Daacad daro, Dulinimo, Caasi waalid, iwm. Ummadaha kale waa in si joogta ah aan ugu hagaa dambiyada, laakin somaliya waa la iga maarmaa.

Hadii uu Masjidka u socdo waxaan leeyahay war Masjidkan reer Hebel ayaa iska leh ee kiina aad, shaki ayaa galayo, kadibna dambi ayuu galayaa.( F.S: 2aad)

Haddii uu salaada galo, waxaan galinayaa waswaas, waxaan leeyahay ma taqaan Imaamka qabiilkiisa, waswaas ayaa galayo, Horta meeqa ragco ayaad tukatay, xataa kii "Sujuudu sahwi” yaqiin iyadaan waswaas ka sii galinayaa (F.S: 3aad).

Madaxda ayaan ku Qanciyaa in khudbadooda ey qabyaladeeyaan , kii iga diidana dadka ayaan u sheegaa in khudbadiisa uu uga jeedo Qabyaalad, xataa haduuna uga jeedin, sidaa ayaana u fahmsiinayaa.( F.S: 4aad).

waxa uu ku dardaaramy sheydaankii haddii aan dhinto ha leeygu aaso Somaliya, Qabyaalad halkii lagu aaso iyagaa ka soo qodi yaqaane, laakin wadamada kale maya.( F.S: 5aad).

Akhristoow, Qabyaaladu waa howl fuliyaha Sheydaanku uu jecel yahay oo Dadka u tilmaanta ficiladii sheydaanku rabo. Xataa ciyaalka yar yar ayuu ka nixiyaa habeenkii waxa uu soo gala qolka Jiifka (F.S: 6aad).

FG: Haddii aad Rabto in aad wakiilka sheeydaanka ka badbaado, Raac wixii ALLA ku faray, walaalkaaga Muslimka ah jeclaaw, Haddii aad rabto in aad Gurigaaga ka erido sheydaanka, Gurigaa ha lagu Aqriyo "Suuratul Baqara”, Haddii sheydaanku ku galiyo shaki ah waa suurad dheer, horta bilaaw, dhowr aayad ba ka aqri, Haddadan Aqoon qof kale ha kuugu aqriyo Guriga, wax kale haddii aad weydo walba Cajal ku soo duubo ee ka daba Aqri .

( Fiiri: Xadiithka saxiixa ah ee Muslim soo wariyay : Rasuulkeena Moxamad CSW ayaa yiri: sheeydaanku waa ka cararaa gurigii "Suuratul Baqara” lagu aqriyo).( F.S: 1aad).

Iga raali ahaada ma aqaan Sheydaan & Qabyaalad seey u egyihiin sawiradoodu, laakin ma qurxana ayaan is leeyaha. Ka fogaaw Labadaa Cadaw.

Qore: Yahya Amir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip