Marcelo oo difaacay macalin Julen Lopetegui

0
Monday October 22, 2018 - 10:50:45 in Wararka by
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Marcelo oo difaacay macalin Julen Lopetegui

    Difaaca bidix ee kooxda Real Madrid Marcelo ayaa shaaciyay inuu taageeri doono Macalinkiisa Julen Lopetegui ilaa iyo dhimashada. Real Madrid ayaa dhexda kaga jirta xaalada murugo ah maadaama kulamadii ugu dambeeyay dhamaantooda laga adkaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Difaaca bidix ee kooxda Real Madrid Marcelo ayaa shaaciyay inuu taageeri doono Macalinkiisa Julen Lopetegui ilaa iyo dhimashada. Real Madrid ayaa dhexda kaga jirta xaalada murugo ah maadaama kulamadii ugu dambeeyay dhamaantooda laga adkaaday.

Shalay galab ayeey qasaaro kala kulmeen kooxda Kubadda cagta ee Levante kulan katirsanaa Horyaalka horyaalka xiisaha badan ee La liga.

Sikastaba Marcelo ayaa garab istaagay macalinkiisa waxaana uu yiri,” waxaan sameenay waxkasta laakiin Kubadda ayaa sidaasi noqotay.”

” waa ceeb maxaa yeelay Levante ma aysan sameeynin wax naga wanaagsan kaliya waxeey ka faa,ideysteen qaladaadkeena, Waxaan ku dadaalnay 100% inaan adkaano.

Sidoo kale Marcelo ayaa sheegay in Madrid aysan tabin Cristiano,” waa cadaalad daro in la qiimeeyo Weeraryahanada, xitaa markii uu Cristiano uusan dhalin dadku waxeey dhahayeen Real Madrid waxeey u baahan tahay Weeraryahan.

” anaga waan walwalsan nahay , lkn ma baqeeyno, dhamaanteen waan taageer sanahay macalinka ilaa iyo dhimashada! Waa inaan u ogolaanaa inuu sii wato shaqadiisa.” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Marcelo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip