Aniga Waan iska cafiyay..!!!

0
Sunday October 21, 2018 - 19:37:47 in Wararka by
  • Visits: 720
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aniga Waan iska cafiyay..!!!

    Nin ayaa maanta iga soo wacay Messenger-ka. Waxa uu igu yiri: waxaan ahaay Asaxaabtaada FB oo aad u xiiseya qoraaladaada. waxaan ogaaday in aadan Qabiilkeyga aheeyn, laakin ma aqaan qabiil aad tahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin ayaa maanta iga soo wacay Messenger-ka. Waxa uu igu yiri: waxaan ahaay Asaxaabtaada FB oo aad u xiiseya qoraaladaada. waxaan ogaaday in aadan Qabiilkeyga aheeyn, laakin ma aqaan qabiil aad tahay.

Waxa aan nacay qoraaladaa oo dhan, waana iska xiray Boggaaga.Colaad iyo neceyb ayaan kuu qaaday.

Habeen barkii Jimacaha ayaan is weydiiyay, Ninkaan qabiilkiisa ma taqaanid, isagana weligaa ma aadan arag. Maxaad Ku nacday?.maskaxdeydu ma jecal qof aan qabiilkeyga aheyn in ey ila wanaagsanaato.

 

Waxaan ogaaday in qabiil & xaasidnimo ey igu kalifeen go’aankaa. Waxaan goostay in aan dib u furto FB-gii aan Block iska saaray. Iskana dhaafo in aan qof aanan weligey arag oo aanan Aqoon qabiilkiisa aan iska naco. Hadda iska keey Cafi.

Waxaan ku iri: waan ku Cafiyay.Cudurka xasdiga diintaa sheegtay( xaasid nimadu, waxaa ey u cuntaa xasanaadka sida Dabku u cunno Xaabadaa) ma jecli in xasanaadkaagu darteey u gubto.

Adiga ma ahan cilladdu, maskaxdaada waxaa Ku dhax qafilan qof kale oo kuu diidaya wanaaga, sheydaan xaasid Ku ah xasanaadkaaga & qabyaalad aan xuduud leheyn.

Wixii kuu wanaagsan Allaah ayaa yaqaan ee haku waafajiyo. Subaxaan oo dhan ayaan Ninkaa ugu duceeynayay in Alle dambigiisa & kan waalidkii Allaah uu u cafiyo, Jidka Jannadana Asaga iyo waalidkii Ku hanuuniyo, adinkuna u duceeya.

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip