HORDHAC: Inter Milan v AC Milan, Wax kasta oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato kulanka Derby della Madonnina

0
Sunday October 21, 2018 - 09:09:31 in Wararka by
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HORDHAC: Inter Milan v AC Milan, Wax kasta oo aad uga baahan tahay inaad ka ogaato kulanka Derby della Madonnina

    ( Serie A ) 21 Okt 2018.Kulanka ugu weyn todobaadkan cayaaraha sagaalaad ee horyaalka Italy ayaa caawa dhexmari doona kooxaha Inter Milan iyo AC Milan. Labada koox ee ka dhisan magaalada Milan ayaa isku wajaha kulankooda adage e Derby della Madonnin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

( Serie A ) 21 Okt 2018.Kulanka ugu weyn todobaadkan cayaaraha sagaalaad ee horyaalka Italy ayaa caawa dhexmari doona kooxaha Inter Milan iyo AC Milan. Labada koox ee ka dhisan magaalada Milan ayaa isku wajaha kulankooda adage e Derby della Madonnina, iyagoo guul xariira gaaray kulamadii dambe. Ogeysiiska Cayaarta Tartanka: Serie A Waqtiga: 09:30 pm ( SGA ) Garsooraha: Marco Guida Garoonka: San Siro Wararka Labada Koox Luciano Spalletti ayaa heysta kooxda buuxda oo diyaar u ah tan iyo markii uu taam buuxda kusoo laabtay daafaca Sime Vrsaljko. Maamulaha Milan ayaa sameynaya in safkiisa ugu xoogn uu dheel siiyo kulankan inkastoo bartamaha asbuucan uu wajahayo koobka Champions League week. Miranda ayay macquul tahay in la fariisiyo inkastoo uu ahaa dhaliyihii goolka guusha uu xulka Brazil ka gaaray Argentina intii lagu guda jiray cayaaraha nasiinada caalamiga. Milan ayaa ugu yaraan ka walwalsan kulakooda Europe League, sidaa darteed Gennaro Gattuso ayaa malaha sameyn kara isku shaandheen kulanka ah. Mattia Caldara markale ayaa la filayaa in la fariisiyo waxaan booska daafaca dhexe uga cadcad Mateo Musacchio iyo Alessio Romagnoli. Qadka dhexe iyo weerarka ayaa caadiyan loo isticmaalaa sida la rajeynayo lix magac taaso ay ku ciyaaraan kulan kasta oo muhiim u ah kooxda Rossoneri. Xaqiiqooyinka Dheeshan
Inter ayaa guuldarreysan marka ay marti galineyso AC Milan tan iyo bishii November 2010.

Waxaa jirta shan barbaro oo ay kooxahan galeen siddeedii cayaar ee u dambeysay.

AC Milan ayaa badisay laba kulan siddeedii dheel ee u dambeysay oo ay la dheeshay Inter.

In ka badan qiyaastii 2.5 gool ayaa la iska dhaliyay afar kamida siddeedii cayaar ee u dambeysay kooxahan.

Guul uu gaaro Gattuso kulanka maanta ee Milan Derby waxaa la arki doonaa in Rossoneri ay dhibic ka sareyn doonto kooxda xifaaltanka soo jireen uu dhaxeeyo ee Nerazzurri.

Shaxda Macquulkaa

XIGASHO:-GoolFM.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip