Sawirro:-Ra'iisul Wasaare Kheyre Oo Galabta Kormeer Sameeyay

0
Saturday October 20, 2018 - 21:06:07 in Wararka by
  • Visits: 294
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro:-Ra'iisul Wasaare Kheyre Oo Galabta Kormeer Sameeyay

    Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Wasaaradda Maaliyada iyo dekadda Muqdisho. Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan kula ye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Wasaaradda Maaliyada iyo dekadda Muqdisho. Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa xarunta Wasaaradda Maaliyadda kulan kula yeeshay Wasiiru Dawlaha Wasaarada ahna ku-simaha Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Xayir Ibraahim, oo uga warbixiyay horumaradii ugu dambeeyay ee laga gaaray dakhli uruurinta iyo dardar-gelinta hawlaha dib-u-habaynta dhaqaalaha.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo sidoo kale booqday qaybaha iyo xafiisyada kala duwan ee dekadda Muqdisho ayaa kulamo la qaatay Maamulka sare ee dekadda iyo taliska booliiska oo uu kala hadlay xoojinta dagaalka ka dhanka ah musuq-maasuqa.

Kormeerka ayaa qeyb ka ah hannaanka kor-joogtaynta ee Ra’iisul wasaaruhu kula socdo shaqooyinka Wasiirradda Xukuumadda iyo hey’adaha kale ee Dawladda, isla xisaabtanka joogtada ah iyo daah-furnaanta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip