DEG DEG:-Maamulayaal Iskuul Oo Lagu Dilay Magalada Muqdisho

0
Saturday October 20, 2018 - 19:10:09 in Wararka by
  • Visits: 248
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG:-Maamulayaal Iskuul Oo Lagu Dilay Magalada Muqdisho

    waxaa salaadii makhrib ee maanta uu ka dhacay Dilloo geystay Maamulayaa dugsi waxaana uu dilkaa ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa gaar ahaan halka lagu Magacaabo Buurka. Dadka Xaafadaas ayaa u warbaahinta u sheegeen in Rag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa salaadii makhrib ee maanta uu ka dhacay Dilloo geystay Maamulayaa dugsi waxaana uu dilkaa ka dhacay Xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa gaar ahaan halka lagu Magacaabo Buurka. Dadka Xaafadaas ayaa u warbaahinta u sheegeen in Rag hubeysan ay dileen Maamulaha Iskuulka Alfuraad iyo ku xigeenkiisa,isla markaana laga qaatay Qalab ay wateen,sida Mobello iyo Computerro. Maamulaha la dilay ee Iskuulka AlFuraad ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Xasan halka Maamule ku xigeenka lagu Magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Xasan,isla markaana dadkii ka dambeeyay dilkooda ay baxsadeen.

Weli ma cadda dadka ka dambeeyay dilkaas,balse waxaa dadka qaarkood ay shegeen in loo maleynaayo inay ka dambeeyeen Kooxo burcad ah oo ka qaatay Agabkii ay wateen sida Mobello iyo Computerro.

Dadka ka ag dhowaa halka uu dilka  uu ka dhacay ayaa sheegeen in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa Goordhow gaareen halka dilka uu ka dhacay iyagoo baaris ka wada goobta flka ka dhacay .

wixii Wararka ah ee inta dheer ee ku ku soo kordha kala socda wararkeena danbe insha allaah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip