Digniin laga soo saaray in Tiyaatarka Qaranka lagu wareejiyo ganacsatada

0
Sunday January 10, 2016 - 10:59:36 in Wararka by
  • Visits: 667
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digniin laga soo saaray in Tiyaatarka Qaranka lagu wareejiyo ganacsatada

    Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan looga hadlayay cawaaqibka ka dhalan kara in xarunta tiyaatarka Qaranka lagu wareejiyo ganacsato, isla markaana laga dhigo xarun gaar loo leeyahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay kulan looga hadlayay cawaaqibka ka dhalan kara in xarunta tiyaatarka Qaranka lagu wareejiyo ganacsato, isla markaana laga dhigo xarun gaar loo leeyahay. Kulanka oo ay soo qabanqaabiyeen Golaha Abwaanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Golaha Murtida iyo Madadaalada aan marnaba lagu wareejin karin ganacsato, iyagoona uga digay Dowladda Federaalka inay xaruntaasi ka iibiyaan ganacsatada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Maxamuud Cabdullaahi Ciise (Sangub) oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in koox ganacsato ah ay doonayaan inay la wareegaan xarunta golaha Murtida iyo madadaalada.

"Xaruntii ugu weyneyd ee Golaha Murtida iyo Madadaalada laguma wareejin karo ganacsato dooneysa inay weligood ka macaashaan isla markaana ku manno sheegtaanā€¯ ayuu yiri Abwaan Sangub oo sheegay in dowladda federaalka ay ka gaabisay dayactirka xaruntaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip