Labo su'aal oo kaliya, Marka Cadey. Maskaxdeydu maanta dib ayey u xasuusatay 1963.

0
Wednesday October 17, 2018 - 20:20:43 in Wararka by
  • Visits: 835
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo su'aal oo kaliya, Marka Cadey. Maskaxdeydu maanta dib ayey u xasuusatay 1963.

    A)-Arrin la yaab leh ayaa Ka dhacday Villa Somaliya 1963. Habeen ayaa Villada laga waayay Madaxweyne Aden Cabdulle , Gurigiisi, Xafiisyadii, markii Villada laga waayay ayaa 3dii Saldhig ee Boliska Magaalada la howl galiyay, magaaladii oo dhan ayaa la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

A)-Arrin la yaab leh ayaa Ka dhacday Villa Somaliya 1963. Habeen ayaa Villada laga waayay Madaxweyne Aden Cabdulle , Gurigiisi, Xafiisyadii, markii Villada laga waayay ayaa 3dii Saldhig ee Boliska Magaalada la howl galiyay, magaaladii oo dhan ayaa laga waayay, waxaa la xabisay ilaaladii heeganka Villada leheyd Habeenkaa.

Maxaa dhacay, Baabuur yar ayuu uga baxay Villada waxa uuna aaday Magaalada Marka kaligii, ilaalo & Darawal ma wadan, Salaadda subax odayaal ayuu Kula tukaday Masjid Ku yaal Magaalada, kadibna makhaayad ayey is kala qaxweeyeen, waxa eyna galeen "Sal bacaad” waxa maanta loo yaqaan "Fadhi ku dirir”, waqtigaa ma jirin isgaarsiinta casriga ah, barqadii isaga oo Magaalada dhax wareegayo ayaa waxaa Ka war helay Maamulkii Magaalada, kadib ayaa Taar loo soo diray Xamar oo laga doonay.

Jan. Mohamed Siyaad waxaa uu tagay degmooyinka dalka intooda badan, laakin ma tagin Laba degmo.

1- Ceeldheer, Socdaalkiisii Gobalada dhexe ee Gaadiidka dhulka markii uu soo dhameystay ayuu soo aaday degmada C/dheer waxa uu u soo qaatay Dayaarad, waxa uu Ku degay Banaanka Magaalada ,dadkii ayuu Ku yiri: Somalidu waxa ey i tiraa: Aabe Siyaad ,waxaan Ka baqay in aad i tiraahdeen Adeer Siyaad, Magaaladana ma galin.

2- Jan.Siyaad, Marka ma tagin, !!!!.????. La talaiyayaal dadban ayaa uga dhigay, Ceel jalle uma dhaafin ayaan Maqlay, Hubi. Laakin Haddii uu halkaa aadayo sida Aden Cade waxa uu Ku safri jiray dhulka, Labadooda Midkoodna ma wadan CIIDANO AJNABI ah.

3-Md. Xassan sheikh waxaa Galbiyay Ciidamo Ajnabi ah si uu safar dhulka ah ugu tago Marko. Md. Farmaajo Dayaarad ayuu Ku tagay bacdamaa magaaladu hareereysan tahay, waxa uuna watay Ciidamo Ajnabi ah.

Su’aal 1- Madaxweynaha xigo Magaalada Marko siduu Ku tagi doonaa?. Ma sidii Aden Cadaa? Ma Badda?.ma dayax gacmeed? Mise maba tagi doono?.

B)-Mar kale 1963 Shirkii Midawga Africa, Md. Aden Cabdulle waxa uu diiday in uu saxiixo heshiiskii Xuduudahii Afrika ee Gumeeysigu Ka tagay, waxa uuna yiri: dhul ayaa iga maqan. ( Horaan u soo qoray Xataa shirkada Google waa diiday Xuduudaa, itobiyana waa dacweysay shirkadda) illeeyn sharciyan ma jiro xuduud la Aqoonsan yahay oo Somaliya iyo Itobiya u dhexeeyo.

Su’aal 2- Beryahan waxaan Maqlaa waxaa la isku furaa Xuduudda Labada Dal u dhexeeyso, waa tuma ma tan Somali Galbeed iyo Itobiya u dhexeeysaa, Ma tan Jamhuuriyada Somaliya iyo Somali Galbeed u dhexeeysaa? mise waa Xuduuda aan la sharciyeeyn oo si khaldan loo aqoonsanayaa?.ma la is weeydiiyay waa tuma Xuduuda la furayo?

Hala yaabin Oday maskaxdiisu Fuunto tahay haduu Kula aado 1963.

FG: wixii iga khaldan Ka Sax, Ka dhiman Ku dar, aragtidaada xur ayaad u tahay. Labo Jawaabna waan kaa sugaa.

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip