Xildhibaano sheegay ciidamada dowladda inay handadeen

0
Wednesday October 17, 2018 - 19:46:42 in Wararka by
  • Visits: 225
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano sheegay ciidamada dowladda inay handadeen

    Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ee maanta ka qayb gelaayay kulanka 14-aad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ay sheegeen in ay maanta handaad iyo rasaas kala kulmeen ciidanka ammaanka ee ay maanta u xiran yihiin inta badan Waddooyinka Muqdish

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ee maanta ka qayb gelaayay kulanka 14-aad ee Golaha Shacabka ayaa waxaa ay sheegeen in ay maanta handaad iyo rasaas kala kulmeen ciidanka ammaanka ee ay maanta u xiran yihiin inta badan Waddooyinka Muqdisho.

Xildhibaannada maanta Golaha Baarlamaanka ka hor sheegay in handadaad iyo rasaas ay kala kulmeen Ciidanka waxaa ay kala yihiin; C/ fitaax Ismaaciil Daahir, C/Qaadir Maxamuud Cismaan, Mahad Maxamad Salaad iyo Axmed Macalin Fiqi.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay in Ciidanka ammaanka ay maanta hakiyeen inta badan Xildhibaannada, isaga oo ciidanka ugu baaqay in ay ilaaliyaan xasaanadda Xildhibaannada.

Waxa uu sidoo kale Guddiga amniga iyo difaaca ee Golaha shacabka amray in ay baaritaan ku sameeyaan Xildhibaannada maanta la kulmay handadaadda iyo rasaasta ee dacwadda u gudbiyay Golaha shacabka.



Kulanka maanta ayaa ku saabsanaa aqrinta 1aad ee Hindise sharciyeedka bartilmaameedsiga cunaqabateynta dhaqaalaha iyo, qaybinta hindise sharciyeedka wax ka beddelka sharciga Hanti dhowrka Guud ee Qaranka ooo isna marayay aqrinta 2aad.

Kulanka waxaa manta xaadiray 145 ka mid ah 276da Xildhibaan ee Golaha Shacabka Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip