Liverpool oo Afar ciyaaryahan kaga soo dhaawacmeen ciyaaraha qaramada iyo Klopp welwel wajahaya

0
Wednesday October 17, 2018 - 12:42:41 in Wararka by
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool oo Afar ciyaaryahan kaga soo dhaawacmeen ciyaaraha qaramada iyo Klopp welwel wajahaya

    Waxaa maalmihii aynu kasoo gudubnay telefoonno is daba joog ah ay soo gaarayeen Macallin Jurgen Klopp kuwaasoo aanan war farxad leh soo gaarsiin dhegahiisa. Waddamada kala ah Egypt, Netherlands iyo Senegal ayaa ay kasoo gaareen warar u sheegaya inay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maalmihii aynu kasoo gudubnay telefoonno is daba joog ah ay soo gaarayeen Macallin Jurgen Klopp kuwaasoo aanan war farxad leh soo gaarsiin dhegahiisa. Waddamada kala ah Egypt, Netherlands iyo Senegal ayaa ay kasoo gaareen warar u sheegaya inay dhaawacyo soo gaareen Mohamed Salah, Virgil Van Dijk iyo Sadio Mane.

Balse culeyska waa uu sii batay, waxaana galabta dhaawac isna garoon loogaga saaray Naby Keita kasoo gudanayay waajibaadka xulkiisa Guinea.

Tani ayaa caqabad ku noqoneysa kooxda Liverpool, taasoo ku dagaallamaysa safafka hore ee horyaalka Premier League-ga, sidoo kalena tartanka Champions League Group adag kaga jirta.

Waxaa horay kooxda kaga sii maqnaa xiddigaha kala ah Oxlade Chamberlain, Adam Lallana iyo James Milner oo dhaawac kaga baxay kullankii Manchester City.

Sidaas darteed, waxaa ay u badantahay in Xherdan Shaqiri uu ka mid noqon doono xiddigaha khadka dhexe ka ciyaari doono kullamada soo aaddan ee Reds ciyaari doonto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip