Atletico Madrid oo bartilmaameed ka dhiganeysa laacib gadood ka ah Chelsea!

0
Tuesday October 16, 2018 - 23:25:54 in Wararka by
  • Visits: 582
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Atletico Madrid oo bartilmaameed ka dhiganeysa laacib gadood ka ah Chelsea!

    Kooxda kubadda cagta ee Atletico Madrid ayaa diyaar u ah inay xagaaga soo aaddan si bilaash ah kusoo qaataan laacibka kooxda Chelsea ee Cesc Fabregas, sida ay wararku sheegayaan. Kubbad sameeyahan ayaa qanadaraaskiisu waxa uu dhacayaa bisha June ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta ee Atletico Madrid ayaa diyaar u ah inay xagaaga soo aaddan si bilaash ah kusoo qaataan laacibka kooxda Chelsea ee Cesc Fabregas, sida ay wararku sheegayaan. Kubbad sameeyahan ayaa qanadaraaskiisu waxa uu dhacayaa bisha June ee soo aaddan, waxaana Diaro AS ay kasoo xiganeysaa Mirror in Atletico ay u dhaqaaqeyso saxiixa Fabregas.

Laacibka reer Spain ayaa ku guuldarreystay inuu xilli ciyaareedkan kasoo dhalaalo kooxda Chelsea, tan iyo markii suuqii xagaaga ay soo caga dhigteen galbeedka London xiddigaha kala ah Jorginho iyo Mateo Kovacic.

Weli wax go’aan ah kama uusan gaarin 31-jirkan, waxaase ay u badantahay inuusan mustaqbal kale kusii lahayn Stamford Bridge.

Los Rojiblancos oo xagaagan Rodri kasoo qaadatay Villarreal si uu beddel ugu noqdo Gabi oo Qatar u bariis doontay ayaa weli dooneysa inay ka faa’ideysato khibradda laacibkii hore ee Arsenal iyo Barcelona.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip