Muxuu damacsan yahay goolhaye David De Gae madaama £375,000 mushaar ah uu diidan yahay todobaad walbo

0
Sunday October 14, 2018 - 19:15:28 in Wararka by
  • Visits: 606
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu damacsan yahay goolhaye David De Gae madaama £375,000 mushaar ah uu diidan yahay todobaad walbo

    Kooxda Man United ayaa quus ka taagan qaabkii ay heshiis cusub kaga saxiixi laheyd goolhaye David De Gae kaasi oo qandaraaskiisa ku egyahay dhamaadka xili cayaareedkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Man United ayaa quus ka taagan qaabkii ay heshiis cusub kaga saxiixi laheyd goolhaye David De Gae kaasi oo qandaraaskiisa ku egyahay dhamaadka xili cayaareedkan.

The Sun ayaa ogaatay in United u bandhigtay goolhaye De Gae heshiis 5-sano cusub iyo todobaad walbo inuu qaato £375,000 asigoo noqon doono laacibka labaad ee United ugu mushaarka badan kaliya Alexis Sanchez ayaa ka mushaar badnaan doono.

United sidoo kale De Gae waxay u balan qaaday in lacago dheeri ah lagu siin doono kulamada uu shabaqa difaacdo iyo guulaha dheeraadka ah ee uu kooxda la gaaro balse weli ma qanacsano goolhayahan asigoo rabo in Sanchez uu ka mushaar badnaado kaasi oo £500,000 todobaad walbo Old Trafford ka qaato.

Sidoo kale Man United waxay u bandhigtay De Gae hal sano dheeraad ah inuu qandaraaskiisa sii dhacaayo ku daro si ay lacago fiican iibkiisa ugu helaan haddii uu heshiiskan cusub diidan yahay goolhayahan xulka Spain joogtada ugu qabto.

Barcelona iyo PSG ayaa dabagal xoogan ku hayaan goolhaye De Gae waxayna rabaan inay ka faa’iideestaan xaalada is mari waaga ah ee ka dhex taagan goolhayahan iyo kooxdiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip