Fadeexad: PSG oo ay ku socto baaris kullan is-daba-marsiin ciyaartii Red Star ee UCL-ga

0
Saturday October 13, 2018 - 23:47:13 in Wararka by
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad: PSG oo ay ku socto baaris kullan is-daba-marsiin ciyaartii Red Star ee UCL-ga

    Xeer-ilaaliyeyaasha dhaqaalaha France ayaa baaritaan ku wada kullankii ay Paris Saint-Germain la ciyaartay kooxda Red Star Belgarde ee ka tirsanaa tartanka Champions League. Majaladda France kasoo baxdaL'Equipe ayaa werrineysa in sargaal ka tir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer-ilaaliyeyaasha dhaqaalaha France ayaa baaritaan ku wada kullankii ay Paris Saint-Germain la ciyaartay kooxda Red Star Belgarde ee ka tirsanaa tartanka Champions League. Majaladda France kasoo baxdaL'Equipe ayaa werrineysa in sargaal ka tirsan Red Star looga shakisanyahay inuu qamaar dhigtay si kooxda reer Serbia loogaga adkaado Shan gool, waxaana uu natiijadaas ku helay 5 Million oo lacagta Euro ah isla markaasna u dhiganta$8.14m. PSG ayaa ciyaartaas 6-1 kaga adkaatay kooxda Red Star, iyadoo afar ka mid ah goolasha kooxda reer France ay yimaadeen qaybtii hore ee ciyaarta. Xiriirka qaaradda Europe ee magacooda loo soo gaabiyo UEFA ayaa war geliyay xeer-ilaaliyeyaasha dhaqaale ee dalka Faransiiska, waxaana durba ay billaabeen inay baaraan kiiskan dhacay bishan October 3-deeda.

Labada kooxood waa ay dafireen eedeeynta lagu soo oogay, waxaana mid walba ay kaga jawaabtay si carro leh inaysan kiiskan wax lug ah ku lahayn.

Tuhunka ayaa yimid markii dhaqaale dhowr million oo saa’id ah ay soo gashay sarkaalka ka tirsan kooxda heysata horyaalnimada Serbia.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip