Siyaasiyoow Qudba siro wanaag ma leh, Mowqifkaaga Cadeyso, Adinkoo Sucuudi joogo yeyna…-Nasashada Jimcaha.-Q-117-aad.

0
Friday October 12, 2018 - 21:47:31 in Wararka by
  • Visits: 702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyoow Qudba siro wanaag ma leh, Mowqifkaaga Cadeyso, Adinkoo Sucuudi joogo yeyna…-Nasashada Jimcaha.-Q-117-aad.

    1-Wadaad Reer Burco ah ayaa xanuunsaday, wuxuu u tagay Dhakhtar, baaritaan kadib, dhakhtarkii ayaa ku yiri: Sokor ayaa lagaa helay " Diabetic " . Subag ( Dufan ) dhiiga ku jirana waa lagaa helay "Cholesterol ". Gaasna waa lagaa he

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Wadaad Reer Burco ah ayaa xanuunsaday, wuxuu u tagay Dhakhtar, baaritaan kadib, dhakhtarkii ayaa ku yiri: Sokor ayaa lagaa helay " Diabetic " . Subag ( Dufan ) dhiiga ku jirana waa lagaa helay "Cholesterol ". Gaasna waa lagaa helay " Acid " . Cusbo/Milixdaaduna waa sareysaa. Wadaadkii ayaa intuu madaxa qabsaday ku yiri: in aan Dukaan noqday aniguba waan Dareenay. (Fiiri: Sawirka 1aad)

.(Qaar Bakhaar Noqdayna waa joogaan Qurbaha, Daawo Allaa hayee, Dalka imaada).

2- Abdirashid A Ahmed, ayaa yiri: Nin ayaa Xaas 2aad oo Faaduma la yiraa ku Qudba-sireystay Xaafadeena, Minweyntiina Xaafada ayey ka maqashay shakiga, laakin ma hubin, maalin isagoo guriga Minweynta ku qayilaya ayuu dhowr jeer ku hadaaqay magaca Faadumo, isaga oo marqaansan. Minweyntii ayaa tiri: war halkanu ma ahan Gurigii Faadumo Yusuf ee waa Gurigii Minweynta, Xaliimo.

Intuu naxay ayuu yiri: Waan kaa hilmaamay in aan kuu sheego, Jaceeylka aan kuu qabo dartii ayaan Go’aansaday inaan kuugu yeero magaca Faadumo, si aan kuugu xasuusto Fatima Bintu Rasuulu laah SCW. Xaliimo Farax.

(Siyaasiyoow Qudba siro wanaag ma leh, Mowqifkaaga Cadeyso, Adinkoo Sucuudi joogo yeyna QADAR afkiina ka soo fakanin, walba Af-carabiga barta ee dhaha QATAR CADIIM ayaan ka wadnay, intaan la idin tumin. F.S: 2aad).

3-Nin ayaa wuxuu dhageysatay Muxaadaro looga hadlayo, Xaaska wanaagsani waxay kuu sameyso in lagu amaano, loogana mahad celiyo. Markii uu guriga tagay ayaa Xaaskii Qado u keentay, markaa ayuu ku yiri: Drs: Caasho, Bbe, honey, Qaali aad baan kaaga mahadcelinayaa, Gacmihii kariyayna waan u duceeynayaa.

Markaa ayaa Xaaskiisii Drs: Caasho ay dharbaaxo ku dhufatay . Isaga oo yaaban ayuu yiri: Bbe, maxaa kaa khaldan maanta?. waxa ey ku tiri: Weligey ayaan cunto kuu karinayay imana aadan amaanin, maanta oo aan kaaga soo qaaday cidda deriskeena oo Tacsi qabtay qadadooda ayaad amaanee.( F.S: 3aad).

( Siyaasiyoow waajibkaaga marka horeba gudo, kadibna xaaladda qiimeey).

4-Laba wiil oo wallaalo ah "Isku hooyo” ayaa ku murmay siyaasad. Mid ayaa yiri: Annigu Cali oo Mucaarad ah ayaan ku taageersanahay Xaaska uu doonayo in uu Guursado. Kii kale ayaa yiri: annigu Cabdi oo Muxaafad ah ayaan ku taageersanahay Xaaska uu doonayo in uu Guursado. Labadii wallaalaha ahaa Gacanta ayey iskula tageen, dhaawacya culusna waa is gaarsiiyeen.

Waa la kala qabtay. Kii weynaa ayaa lagu yiri: Cali Mucaarad maxaad ku taageertay? Waxa uu yiri: weligey ma arag, laakin isku qabiil ayaan nahay, kii kale ayaa lagu yiri: Cumar Muxaafad maxaad ku taageertay? Wax uu yiri: isku qabiil ayaan Nahay laakin weligeyna ismaan arag.

Waxaa lagu yiri: Xaaska ey isku heeystaan ma taqaaniin? Waxa ey yiraahdeen, Maya. Waxa lagu yiri: waa Hooyadiin Maandeeq ( Dalka ) idinkaa uga dhow ee Duqda u daneeya.( F.S: 4aad).



( Meeqa Mucaarad & Muxaafad ah ayaad taqaan oo shakhsi la safan, laakin aan arragti iyo wax qabad aan u fiirin ?).

5-Aw Cabdi oo ahaa Nin fool xun oo qabay naag aad u qurxan , ayaa ka shakiyay xiriirka xaaskiisa iyo dhallin yarada xaafadda. waxa uu u guuray Magaalo kale. Naagtiisii ayuu ku yiri: Magaaladan ragga joogu iska jir waxa ey leeyihiin Laba G….S, waana sidii reer qoomu Luud, labada makaan kan hoose ayeey jecelyihiin, Dhallin yaradii magaalada ayuu arkay iyaga oo u tashanaya xaaskiisa, waxa uu ku yiri: Dhallin yarooy waxaan uga soo guuray Magaaladii aan deganaa, xaaskeeyga Maymuun Maqas, 5 nin ayeey Xiniinyaha ka jartay , Maqas ayey wadataa, xiinyaha in ey gooyso ayeyna jeceshay.

Muddo kadib ayey mid ciyaalka xaafada ah ka heshay, asigiina waa is biimeeyay. Qol mugdi ah ayaa la isla galay, Ninkii Xiniiyaha ayuu gacanta Midig ku qabsaday, iyadiina gacanteedii Bidix ayey Dabada saaratay, waxaa istaabtay Gacmahoodii, waxa ey tiri: Kii kale miyaad gacanta ku raadineysay, isagiina waa booday, isaga oo leh: Maqasley warkaagaa isoo gaaray, Xiniiyaha miyaad maqasta ku jari rabaty. waana la kala cararay wiilkii Ciyaalkii xaafada ayuu uga digay khatarta uu soo arkay. ( F.S: 5aad).

(Maamul gobaleedyada iyo dowlada dhexe, Aw Cabdi muxuu u kala sheegay, Xanniya Gooys miyaa laga baqayaa).

6- Laban Nin ayaa maalin Jimco ah oo la buuxo Xeebta Liido waxaa ka dhumay Xaasakoodii oo ey ku sugayeen Bar Beach View waxa ey bilaabeen in ey wada raadiyaa .Cabdi ayaa yiri: Xaaskaagu sidey u tiil?. Ali ayaa yiri: waa Naag dheer, Maariin ah, Timo dhaadheer, Rag soo jiidasho leh, ilka qurxoon, Jirkeeduna dhisan yahay.

Cali ayaa yiri: Adigana taadu sideey u tiil? Cabdi ayaa yiri: i iiii, Teeyda iska dhaaf, taada ayaan wada raadineynaa.

( Maddaxdu armey naga quusteen, oo rag kale baadidood ( Danahooda) miyey la radinayaan?)

Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip