Shaqaalaha Dowladdu Xubin Ma Ka Noqon Karaa Xisbiyada Siyaasadda?

0
Tuesday October 09, 2018 - 11:27:03 in Wararka by
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaalaha Dowladdu Xubin Ma Ka Noqon Karaa Xisbiyada Siyaasadda?

    Soomaaliya waxa ay u socotaa heerkii ay dowladnimadeedu ku billaabatay oo ah hannanaka xisbiyada badan, sidaas awgeed waxaa kadhismaya xisbiyo siyaasadeed oo hordhac u ah kaqaybgalka muwaadiniinta ee siyaasadda iyo hoggaanka dalka. Habka ay xisbiyad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya waxa ay u socotaa heerkii ay dowladnimadeedu ku billaabatay oo ah hannanaka xisbiyada badan, sidaas awgeed waxaa kadhismaya xisbiyo siyaasadeed oo hordhac u ah kaqaybgalka muwaadiniinta ee siyaasadda iyo hoggaanka dalka. Habka ay xisbiyadu siyaasaddu u dhismayaan iyo hirgelinta hannaanka xisbiyada badan waxa uu Baarlamaanku ka soosaaray xeerka dhismaha xisbiyada siyaasadda ee Xeer Lr: 19, summadiisu tahay1300/3/1/9/16, soona baxay 27-06-2016 Kaas oo maamulaya dhammaan wixii la xiriira sameynta xisbiyada siyaasadda, waxaana suuragal ah in xisbigii aan xeerkaas raacin ama kusoo baxa hab aan xeerkaas waafaqsanayn uusan xaq u yeelan doonin kaqaybqaadashada siyaasadda. Sida kuxusan qodobka 11aad ee xeerka dhismaha xisbiyada siyaasadda waxaa jira muwaadiniin aan kaqabgeli karin dhismaha xisbiyada siyaasadda islamarkaana aan asaasayaal iyo xubno ka noqon karin xisbi siyaasi ah, waxa kamid ah Ciidanka, shaqaalaha maamulka wasaaradaha, Danjirayasha, shaqaalaha maxkamadaha iyo garsoorka, hay'adaha gargaarka ee dowladda iyo guud ahaan shaqaalaha dowladda.
Shaqaalaha Dowladdu xubin ma ka noqon karaa xisbiyada siyaasadda?
Qodobka 11aad:
Xubnaha Ka Reeban Ka Mid Noqoshada Xisbiyada Siyaasadda.
  1. Ciidamada Qalabka Sida
  2. Garsoorayaasha Maxkamadaha Dalka
  3. Hawlwadeenada Safaaradaha (Diplomaasiyiinta)
  4. Dhamaan Shaqaalaha dawladda waxaa ka reeban Inuu kamid noqdo
asaasayaasha ama xubin xisbi siyaasadeed, Inuu ka qeybqaato ololeynta ama
dardargelinta hawlaha xisbi iyo kulammadiisa, Inuu muujiyo ujanjeerida xisbi
siyaasadeed si oraah ama qoraal ah oo wax u dhimi karta
dhexdhexaadnimadiisa.
Xubnaha Baarlamaanka iyo laanta fulintu waa ay Asaasi karaan xubnana waa ka noqon karaa xisbiyada siyaasadda, sidaasna waxaa u ogolaanaya dastuurka iyo xeerka xisbiyada siyaasadda.
Haddaba waxa jira shaqaale kashaqeeya hay’adaha dowladda sida wasaaradaha, maxkamadaha iyo guddiyada madaxa bannaan oo lagayaabo in aanay fahamsanayn in xeerku kareebayo in ay xisbiyo siyaasadeed kamid noqdaan ama u ololeeyaan oo hadda isu diyaarinaya kamid noqoshada xisbiyada siyaasadda ama wada taageero iyo u ololeyn.
Muwaadiniinta kuxusan qodobka 11aad ee xeerka xisbiyada ee aan kaqaybgelin dhismaha iyo ololaha xisbiyada siyaasadda waxa u furan in ay shaqada dowladda katagaan haddii ay doonayaan in ay kaqaybgalaan dhismaha xisbiyada siyaasadda, balse suuragal ma aha in shaqaale dowladda u haya waajbaadka ku xusan qodobkaas uu haddana u ololeeyo aa kamid noqdo xisbi siyaasadeed.
Haddaba waxa saran shaqaalaha dowladda ee wada dhismaha iyo olaha xisbiyada siyaasaddu in ay shaqda banneeyaan kahor inta aanay kamid noqon ama u ololeyn xisbi siyaasi ah
WQ: Axmed Ciise Guutaale
Dersa Sharciga & Qaanuunka
XIGASHO :- SHAACIYE.COM



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip