Mo Farah oo ku guuleystey tartanka Orodka Maaratoonka Chicago

0
Sunday October 07, 2018 - 20:01:52 in Wararka by
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mo Farah oo ku guuleystey tartanka Orodka Maaratoonka Chicago

    Orodyahanka Soomaaliyeed una orda wadanka Britian Mo Farah ayaa ku guuleystey tartanka orodka maaratoonka Chicago isagoo ka dheereeyay orodyahano caalami ah. Farah oo tartanka orodka maaratoonka u ahaa kiisii saddexaad ayaa waxaa culeys

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Orodyahanka Soomaaliyeed una orda wadanka Britian Mo Farah ayaa ku guuleystey tartanka orodka maaratoonka Chicago isagoo ka dheereeyay orodyahano caalami ah. Farah oo tartanka orodka maaratoonka u ahaa kiisii saddexaad ayaa waxaa culeys weyn ku hayay orodyahano ka socday dalalka Kenya iyo Ethiopia kuwaasoo caan ku ahaa orodada maaratoonka hase yeeshee Mo Farah ayaa kiilomitirkii ugu dambeeyay orodkan 42km ah ka dheereeyay orodyahanadii kale gaar ahaan Mosinet Geremew, isagoo jebiyay rikoorkii u yiil orodyahanada maaratoonka ee qaarada Yurub. "Aad ayay u wanaagsanayd inaan la tartamo ordoyahanada Galen iyo kuwa kalaba,"ayuu yiri Mo kadib markii uu xaqiijistey inuu guuleystey. "Galen sanadkii hore ayuu guuleystey anigana aad ayay iigu wanaagsan tahay in aan sanadkan ku guuleysto." Mo Farah ayaa kaalinta koowaad ku galay orod dhan 2:05:11, halka uu Geremew uu kaalinta labaad ku galay 2:05:24 waxaana kaalinta 3aad soo cariirsadaySuguru Osako orod dhan 2:05:50. Halka uu Galen Rupp oo ay isku macalin yihiin Mo Farah sanadkii horena ku guuleystey tartanka Maaratonka Chicago ayaa galay kaalinta shanaad isagoo ku orday 2:06:21.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip