Mustaqbalka Adrien Rabiot oo Mugdi weyn uu soo galay

0
Thursday October 04, 2018 - 10:25:11 in Wararka by
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mustaqbalka Adrien Rabiot oo Mugdi weyn uu soo galay

    Kubadd abuuraha kooxda kubadda cagta ee Paris saint germain Adrien Rabiot ayaa shaki weyn uusoo galay mustaqbalkiisa. Laacibkan ayaa doonaya inuu soo afjaro waqtigiisii kooxda paris waxaana laacibkan uu qorsheenayaa inuu gabi ahaanba ka dhaqaaqo caa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kubadd abuuraha kooxda kubadda cagta ee Paris saint germain Adrien Rabiot ayaa shaki weyn uusoo galay mustaqbalkiisa. Laacibkan ayaa doonaya inuu soo afjaro waqtigiisii kooxda paris waxaana laacibkan uu qorsheenayaa inuu gabi ahaanba ka dhaqaaqo caasimada France. Kooxo badan ayaa doonaya adeega laacibkan waxaana kamid ah juventus iyo Barcelona kuwaasi oo sheedha sare kala socday maalmihii dambe xaalada laacibkan.

Adrien Rabiot ayaa kamid ah Ciyaartooyda Mustaqbalka ku leh saxaaxada kubadda cagta waana kubad sameeye caqli u saaxiib ah.

Sikastaba hooyada xiddigan ayaa dalbatay koox walba oo wiilkeeda doomeeyso inay bixisho mushaar sanadkii gaaraya 10M iyo lacago gunooyin dheeri ah.

Qandaraaska laacibkan uu kula jiro Psg waxaa uu dhacayaa Bisha june ee sanadka cusub 2019 waxaana uu noqonayaa laacib qaab free ah lagu heli karo.

Paris ayaa wali dooneeysa in laacibkan ay ku fara adeegto maadaama xiddigan muhiimka ah uu u ciyaari karo kooxda tobanka sano ee soo aadan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip