Man United oo laga saaray EFL Cup, Man City oo guuleysatay iyo Inter oo ku rafaadday Fiorentina

0
Wednesday September 26, 2018 - 11:39:59 in Wararka by
  • Visits: 570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Man United oo laga saaray EFL Cup, Man City oo guuleysatay iyo Inter oo ku rafaadday Fiorentina

    Naadiga Manchester City ayaa si fudud ku dhaaftay kooxda Oxford United. Ciyaarta qaybteedii hore ayaa waxaa gool dhaliyay Gabriel Jesus, waxaana markii la isu soo laabtay dhaliyay goolasha kale Riyad Mahrez iyo Phil Foden. Natiijada ciyaarta ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Naadiga Manchester City ayaa si fudud ku dhaaftay kooxda Oxford United. Ciyaarta qaybteedii hore ayaa waxaa gool dhaliyay Gabriel Jesus, waxaana markii la isu soo laabtay dhaliyay goolasha kale Riyad Mahrez iyo Phil Foden. Natiijada ciyaarta ayaa ku idlaatay 0-3, waxaana natiijadaas ay ka saacidday Manchester City inay u gudbaan wareegga 4-aad ee tartanka EFL Cup. Dhanka kale, magaalada Manchester waa laga aamusanyahay oo afka ayaa ay dadku gacanta u saarantahay. Manchester United ayaa gool uu qaybtii hore dhaliyay Juan Mata laga daba keenay.

Ciyaartoyda kala ah Wilson iyo Marriott ayaa kooxda Derby u sahlay inay Red Devils dhibaan Old Trafford, inkastoo Sergio Romero uu casaan ka qaatay kooxda Jose Mourinho.

Balse daqiiqaddii ugu dambeysay ee ciyaarta ayaa waxaa United nafta kusoo celiyay Fellaini.



Kullanka ayaa rigooreyaal u baahday, waxaana natiijada ciyaarta ugu dambeyn helay Frank Lampard kooxdiisa Derby, waxaana uu tartanka ka cirib tiriyay macallinkiisii hore ee Jose Mourinho.

Rigoorayaasha ayaa kusoo idlaaday 7-8, waxaana rigooradii lagu reebay United qasaariyay difaacooda Phil Jones.

Serie A hal kullan ayaa caawa laga ciyaaray, waxaana kullan xiiso badan wada qaatay kooxaha Inter Milan iyo Fiorentina.

Nerazzuri oo kullanka qaybtiisii hore hooggaanka u heysay Viola ka dib gool uu dhaliyay Icardi, ayaa waxaa soo bareejeeyay Fedrico Chiesa.

Balse daqiiqadahii dambe ee ciyaarta, Danilo D’Ambrosio ayaa goolka guusha u dhaliyay Inter oo caawa dhibacaha kala hartay dhiggeeda Fiorentina.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip