Ronaldo iyo Messi oo aan soo xaadiri doonin xafladda FIFA

0
Monday September 24, 2018 - 10:16:36 in Wararka by
  • Visits: 631
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronaldo iyo Messi oo aan soo xaadiri doonin xafladda FIFA

    Caasimadda dalka Ingiriiska ee London ayaa caawa markale marti gelineysa xafladda sanadlaha ah ee Best Gala. Abaal marinnada laacibka ugu fiican xilli ciyaareedka ee ragga, midda hablaha, macallinka ugu fiican dhanka ragga, sidoo kale tan hablaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caasimadda dalka Ingiriiska ee London ayaa caawa markale marti gelineysa xafladda sanadlaha ah ee Best Gala. Abaal marinnada laacibka ugu fiican xilli ciyaareedka ee ragga, midda hablaha, macallinka ugu fiican dhanka ragga, sidoo kale tan hablaha iyo abaalmarinno kale oo qaali ah ayaa lagu kala qaadan doonaa.

Sababaha ay u maqnaanayaan labada ciyaaryahan ayaa la tilmaamay inay tahay sababo ciyaaro awgood, maadaama super star-ka Juventus ay kooxdiisa xalay ciyaartay kullan ka tirsan Serie A, sidoo kalena arbacada ay kullan kale ciyaari doonaan.

Messi ayaa isna sidoo kale xalay kooxdiisa matalay ciyaar La Liga ka tirsan, sidaas darteedna, diyaar uma noqon karo inuu gaaro London.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa horraan seegay xafladdii laacibka UEFA, xilligaas oo uu ku guuleystay Luka Modric.

Caawana, waxa ay isaga iyo Modric u cadcadyihiin in midkood ku guuleysto laacibka ugu wanaagsan FIFA.

Captain-ka Barcelona ayaa tartanka qayb ka ahayn, maadaama uusan kusoo bixin saddexda musharrax ee ku tartameysa FIFA The Best, waxaana u sharraxan abaal marintan Cristiano Ronaldo, Luka Modric iyo Mohamed Salah.

Dhanka kale Florentino Perez ayaa kasoo qayb galaya xafladdan, si uu u daawado xiddigaha kooxdiisa Real Madrid oo abaal marinno ku guuleysanaya.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip