Waqtiga la baasto ciyaaraha Champions League-ga Yurub oo la badelay

0
Tuesday September 18, 2018 - 23:58:30 in Wararka by
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waqtiga la baasto ciyaaraha Champions League-ga Yurub oo la badelay

    Kaddib ciyaarihii Koobka Adduunka iyo lacago badan oo ay kooxuhu ciyaartoy ku soo gateen, ayaa waxaa isbadel weyn lagu sameeyay waqtiga la baasto ciyaaraha Horyaallada Yurub ee Champions League-ga ee heerka group-yada. Laba kulan oo ciyaarahaasi k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kaddib ciyaarihii Koobka Adduunka iyo lacago badan oo ay kooxuhu ciyaartoy ku soo gateen, ayaa waxaa isbadel weyn lagu sameeyay waqtiga la baasto ciyaaraha Horyaallada Yurub ee Champions League-ga ee heerka group-yada. Laba kulan oo ciyaarahaasi ka mid ah ayaa waxaa la baasan doonaa 7:55 fiidnimo waqtiga Bariga Afrika, halka ciyaaraha kalana la baasan doono 10:00 habeenimo isla waqtiga Bariga Afrika. Waagii hore inta badan ciyaaraha group-yada waxaa la baasan jiray 9:45 habeenimo ee waqtiga Bariga Afrika, halka qaar ka mid ah kooxaha ka dhisan Bariga Yurub ama Ruushka ay laba ama saddex saacadood ka hor ay bilowdaan. Taageerayaasha kooxda Tottenham ayaa noqonaya kuwa ugu horreeya ee uu saameeyo isbadelkan oo kooxdooda ayaa caawa oo Talaada ah waxa ay garoonka San Siro kula dheelaysaa kooxda Inter Milan, halka isla group-kaas, isla waqtigaas, ay Barcelona garoonkeeda ku martigelinayso kooxda PSV Eindhoven.

Cristiano Ronaldo Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES Image captionCristiano Ronaldo, laacibka kooxda Yuventus ee dalka Talyaaniga

Markii la gaaro ciyaaraha kala baxa ayaa dhammaan kooxaha soo gudba waxa ay ciyaarahooda bilaaban doonaan 10:00 ama 11:00 habeenimo ee waqtiga Bariga Afrika.

Ciyaaraha koobka Europa League ee heerka group-yada ilaa laga gaarayo 16-ka kooxood waxaa la baasan doonaa 7:55 iyo 10:00 habeenimo. Halka rubac dhammaadka, nus dhammaadka iyo finaalka la baasan doono 10:00 habeenimo.

Maxay tahay sababta loo badelay waqtiga la baasto ciyaaraha Champions League-ga?

Taleefishinnada iyo dadka online-ka ka daawada ciyaaraha ayey u suuragalaysaa inay ciyaaro badan daawadaan iyagoo aanay ciyaarna dhaafin, si kale haddii loo dhigana waxaa sare u kici doona dadka daawada ciyaaraha iyo weliba kharashka laga soo xareeyaba.

Ciyaaraha bilaabanaya 7:55 fiidnimo ee waqtiga Bariga Afrika

Ciyaarta koobaad

Talaado, 18 Sibteembar

Group B: Barcelona v PSV Eindhoven, Inter Milan v Tottenham Hotspur

Arbaco, 19 Sibteembar

Group E: Ajax v AEK Athens

Group F: Shakhtar Donetsk v Hoffenheim

Ciyaarta labaad

Talaado, 2 Oktoobar

Group F: Hoffenheim v Manchester City

Group H: Juventus v Young Boys

Arbaco, 3 Oktoobar

Group C: Paris St-Germain v Red Star Belgrade

Group D: Lokomotiv Moscow v Schalke

Ciyaarta saddexaad

Talaado, 23 Oktoobar

Group E: AEK Athens v Bayern Munich

Group H: Young Boys v Valencia

Arbaco, 24 Oktoobar

Group A: Club Brugge v Monaco

Group B: PSV Eindhoven v Tottenham Hotspur

Ciyaarta afraad

Talaado, 6 Nofeembar

Group A: Monaco v Club Brugge

Group C: Red Star Belgrade v Liverpool

Arbaco, 7 Nofeembar

Group G: CSKA Moscow v Roma

Group H: Valencia v Young Boys

Ciyaarta shanaad

Talaado, 27 Nofeembar

Group E: AEK Athens v Ajax

Group G: CSKA Moscow v Viktoria Plzen

Arbaco, 28 Nofeembar

Group A: Atletico Madrid v Monaco

Group D: Lokomotiv Moscow v Galatasaray

Ciyaarta lixaad

Talaado, 11 Diseembar

Group D: Galatasaray v Porto, Schalke v Lokomotiv Moscow

Arbaco, 12 Diseembar

Group G: Real Madrid v CSKA Moscow, Viktoria Plzen v Roma




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip