Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in Ninka dilkani geystay uu qabay xanuun dhinaca dhimirka, oo mararka qaar ku soo kici jiray.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa la sheegay in ay gaareen halkaasi, kadibnaa gacanta ku dhigeen ninkaasi.

Arrintan ayaa walaac iyo murugo xoogan ku reebtay dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo si aad ah u hadal haya dhacdadan.

Sabtidii la soo dhaafay ayey aheyd markii dhacdo tan la mid ah ay ka dhacday degmada Yaashiid ee gobolkan Banaadir, kadib markii nin Mindi ku hubeysnaa uu xaaskiisa ku Gowracay agagaarka Saldhigga degmadaasi.

Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta.

Audio Player