QM Oo Ka Hadashay Heshiiska Ay Wada Gaareen Ethiopia Iyo Eritrea

0
Monday September 17, 2018 - 20:42:56 in Wararka by
  • Visits: 255
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    QM Oo Ka Hadashay Heshiiska Ay Wada Gaareen Ethiopia Iyo Eritrea

    Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in heshiiska ay magaalada Jeddah ku gaareen labada dal Ethiopia iyo Ereteria ay tahay arrin dhacdo Taariikhi ah. António Guterres oo ay wasiirka Arrimaha Dibadda Saciid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogahayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in heshiiska ay magaalada Jeddah ku gaareen labada dal Ethiopia iyo Ereteria ay tahay arrin dhacdo Taariikhi ah. António Guterres oo ay wasiirka Arrimaha Dibadda Saciida Adil Aljeybar shir jaraa"id wada qabteen saxiixa heshiiska kadib, wuxuu u mahadceliyay Boqorka Sacuudiga ahna u adeegaha labada Xaram ee Shariifka Boqor Salman Bin C/casiis dadaalka badan uu geliyay nabad ka aslixinta geyiga labadaasi dal iyo soo afjarida khilaafka mudada dheer u dhaxeeyay Etiopia iyo Ereteria.

Wuxuuna tilmaamemaay in dabeesha rajada nabada ay kababanayso Afrika iyo dhinac kale hagaajinta cilaaqaadka Afrika labadaasi dal ka sokow guud ahaan Afrrika.

Dhinac kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa isna bogaadiyay heshiiska ay labadaasi dal gaareen kuna soo afjareen colaadii mudada dheer dhex tiillay.

Hoggaamiyeyaasha Ethiopia iyo Ereteria ayaa qalinka ku duugay heshiis ay garwadeen ka aheyd Dowladda Sacuudiga,halkaana ku soo afjarmay colaad muddo 20-ka Sano u dhaxeyay Ereteriya iyo Ethiopia khilaafkaasi oo xuduuda la xiriiray.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip