Madaxweynaha Jabuuti oo gaaray magaalada Jeddah (Sucuudiga oo dhex dhexaadinaya Eritrea iyo Jabuuti)

0
Monday September 17, 2018 - 20:19:10 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jabuuti oo gaaray magaalada Jeddah (Sucuudiga oo dhex dhexaadinaya Eritrea iyo Jabuuti)

    Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhow gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Safarka Madaxweynaha Jabuuti ee Sucuudiga ayaa yimid, maalin kaddib markii Madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea ay heshiis nabadee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goor dhow gaaray magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya. Safarka Madaxweynaha Jabuuti ee Sucuudiga ayaa yimid, maalin kaddib markii Madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea ay heshiis nabadeed ku saxiixeen magaalada Jeddah, kaasoo uu marqaati ka ahaa boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan, Dhaxalsugaha Boqortootayada Maxamed Bin Salmaan iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres. Madaxweyne Geelle ayaa la kulmay Boqorka Sucuudiga, iyagoo ka wada hadlay arrimaha xiriirka labada dal, nabadda iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika. Sucuudiga ayaa door weyn ku lahaa dhex dhexaadinta iyo dib u heshiisiinta dalalka Gobolka, sida Itoobiya iyo Eritrea, iyo sidoo kale Eritrea iyo Jabuuti. Madaxweynaha Jabuuti ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo ku sugan magaalada Jeddah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip