Ronaldo oo banaanka soo dhigay culeeska ay ku heysay gool la'aantii Juventus

0
Monday September 17, 2018 - 09:14:01 in Wararka by
  • Visits: 662
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronaldo oo banaanka soo dhigay culeeska ay ku heysay gool la'aantii Juventus

    Cristiano Ronaldo ayaa qirtay inay culees ku heesan sidii uu mar u furan lahaa koontadiisa goolasha ee kooxdiisa cusub Juventus. Ronaldo ayaa labo gool dhaliyay kulankii Juventus 2-1 guusha kaga qaadatay naadiga Sassuolo waxayna u ahayd inuu 400-g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo ayaa qirtay inay culees ku heesan sidii uu mar u furan lahaa koontadiisa goolasha ee kooxdiisa cusub Juventus. Ronaldo ayaa labo gool dhaliyay kulankii Juventus 2-1 guusha kaga qaadatay naadiga Sassuolo waxayna u ahayd inuu 400-gool dhaliyay heerka horyaalada kaliya.

Cristiano wuxuu yiri ” Waan ka yara walaacsanaa inaan goolal xili hore Juve u dhalin waayay waayo shaqadeyda ayaa ah inaan gool dhaliyo waana sida ay daawadayaasha jecel yihiin.”

Ronaldo oo ka hadlaayo muhiimada guusha kooxdiisa u leedahay wuxuu yiri ” Tani waa kubad waxaa muhiim ah kooxda guuleesato waxaana helnay guul kale oo muhiin ah naga caawineyso inaan hadafkeena sii gaarno.”

CR wuxuu u mahad celiyay saaxiibadiisa "Waan ku faraxsanahay culeeska inuu iga dagay waxaan u mahad celinaa saaxiibadeyda aan isku kooxda nahay iyo taageeerayaasha garabka ay i siiyeen.”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip