Muwaadin Soomaaliyeed Oo Caawa Lagu Dilay Koonfur Afrika

0
Monday September 17, 2018 - 08:59:52 in Wararka by
  • Visits: 335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muwaadin Soomaaliyeed Oo Caawa Lagu Dilay Koonfur Afrika

    Waxaa Xalay Kooxo Burcad ah ay dalka koonfur Afrika ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka ku Ganacsada dalkaas koonfur Afrika. Alle ha u naxariistee Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu Magacaabi jirey Yuusuf Xuseen Xasan waxa uuna

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Xalay Kooxo Burcad ah ay dalka koonfur Afrika ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka ku Ganacsada dalkaas koonfur Afrika. Alle ha u naxariistee Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu Magacaabi jirey Yuusuf Xuseen Xasan waxa uuna ku magac dheeraa (Yusri-fuuda).

 
Dilka, waxa uu ka dhacay magaalada Cape town ee dalka Koofur Afrika,waxana dad ku sugan Koonfur Afrika ay sheegeen in Burcad hubeysan ay dhowr xabadood la dhaceyn,isla markaana dhaawac soo gaaray uu u geeriyooday.

Alle ha u naxariistee Yuusuf Xuseen Xasan (Yusri-fuuda) ayaa ka mid ahaa Wariyeyaashii sida weyn looga yaqaanay Magalada Muqdisho wixii ka horeeyey Sanadkii 2011,isaga oo Sanadkii 2009 ka tirsanaa Idaacadda Soomaaliweyn ee Magalada Muqdisho.

Dilka Xalay muwaadinka Soomaaliyeed loogu geystay dalka Koonfur Afrika ayaa waxa uu ka mid yahay dilalka mar walba loogu geysto dalkaas,iyada oo dowladda Koonfur Afrika aysan waxba ka qaban.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip