Amiirka Qadar oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Somaliya ee wadankaasi

0
Sunday September 16, 2018 - 23:44:03 in Wararka by
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amiirka Qadar oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Somaliya ee wadankaasi

    Safiirka cusub ee Soomaliya ee dalka Qadar Mudane C/risaaq Faarax Cali oo horay u soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Cummaan ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qadar, waxaana waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay amiirka dalkaasi Sheekh Tamim bin Xa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka cusub ee Soomaliya ee dalka Qadar Mudane C/risaaq Faarax Cali oo horay u soo noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Cummaan ayaa gaaray magaalada Doha ee dalka Qadar, waxaana waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay amiirka dalkaasi Sheekh Tamim bin Xamad Al Thani.

Kullanka uu la yeeshay Amiirka Dowladda Qadar ayuu danjiraha Soomaaliya u gudbiyay salaam iyo codsi uu ka siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo ay kullanka ka soo baxeen go’aanno miradhal ah.

"Waxaan la xiriiray madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaan u sheegay in aan la kulmayo amiirka, waxaan weydiiyay talo ahaan maxaan kala hadlaa oo qodobo ah oo fariin ah oo aad ii dhiibeysaa, hal fariin buu isoo faray oo runtii wax weyn ah " Igu salaam, salaam ka bacdina waxaad u sheegtaa oo aad nooga codsataa oo codsigeyga aad gaarsiisaa Jaaliyadda Soomaaliyeed haddii gudaha iyo dibadda ay joogtaba ay ka shaqeysan karaan gudaha dalka Qadar oo loo furo ciqaamadihii, qofkii shaqo hella waqtigan hadduu yahay xirfadle iyo hadduusan xirfadle ahaynba ciqaamad ma heli karo Baasboorka Soomaaliga ah uu wato awgeed, dalabkii madaxweynaha markaan geeyay meeshii baa lagu aqbalay, amarkii baa meeshii amarkii ku bixiyay in loo furo Soomaalida ciqaamadaha, Insha Allah waxaan dabagal ku sameynayaa sidii shaqada ku furmi lahayd,” Ayuu yiri danjiraha Soomaaliya ee Dalka Qadar.



Wuxuu sheegay maalmo gudahood in qofta kasta oo Soomaali ah oo shaqo ka hela dalka Qadar ay ciqaamadii u furan tahay, islamarkaana si dhib yar halkaasi kaga shaqeysan karo.

Ugu dambeyntii safiirka Soomaaliya ee dalka Qadar Amb. C/risaaq Faarax Cali ayaa sheegay in howlaha ugu horeeyo ee uu ku dhaqaaqayo ay tahay sidii ay isku arki lahaayeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Qadar si ay uga hadlaan halka Xaaladda mareyso iyo in la isku garabsado howsha safaaradda ee Bulshada u heyso.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip