Barcelona oo badisay & Real Madrid oo la qabtay

0
Sunday September 16, 2018 - 21:54:55 in Wararka by
  • Visits: 624
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona oo badisay & Real Madrid oo la qabtay

    Luis Suarez iyo Ousmane Dembele ayaa goolasha u dhaliyay Barcelona oo sii kordhisay rikoorkeeda 100% oo ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan La Liga. Barcelona ayaa 2-1 kaga badisay kooxda Real Sociedad ooo ay mari ugu ahaayeen garoonkooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Luis Suarez iyo Ousmane Dembele ayaa goolasha u dhaliyay Barcelona oo sii kordhisay rikoorkeeda 100% oo ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkan La Liga. Barcelona ayaa 2-1 kaga badisay kooxda Real Sociedad ooo ay mari ugu ahaayeen garoonkooda.

Daqiiqadii 12aad ee ciyaarta Barcelona waxaa ka naxsaday Aritz Elustondo oo weerarka kaga ciyaara kooxda Real Sociedad .

Laakiin qeybtii labaad ee ciyaarta, Suarez iyo Dembele ayaa saddex daqiiqo gudahood hogaanka ugu dhiibay Barcelona oo ugu dambeyn 2-1 ku badisay.

Kooxda tababare Ernesto Valverde ayaa guuleysatay dhamaan afar kulan oo ay ka ciyaareen La Liga xili ciyaareedkaan.

Dhinaca kale Real Madrid oo u muuqatay mid ku bilaabatay xilli ciyaareedka ugu fiicnaa horyaalka La Liga ayaa barbaro 1-1 ah la gashay xalay kooxda Athletic Bilbao.

Los Blancos ayaa haatan lumisay hogaanka sare ee La Liga, iyadoo laba dhibcood ka dmabeysa kooxda hogaanka heysa ee Barcelona.

Iker Muniain ayaa Athletic hogaanka u dhiibay daqiiqadii 32aad markii uu kubad si qaldan ka dhax qaatay daafaca Real Madrid.

Kooxda martida ah ee Real Madrid ayaa labo jeer waxaa fusrado halis ah ka beeniyay goolhayaha kooxda Athletic Bilbao ninka lagu magcaabo Unai Simon.

Isco ayaa goolka barbaraha ah u dhaliyay Real Madrid daqiiqadii 63aad, iyadoo kooxda martida aheyd ay ciyaarta soo galisay qeybta dambe ciyaaryahanka khadka dhexe ee Casemiro.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip