Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday rag Shabaab ka tirsan(SAWIRO)
Abuukar Cabdi Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ayaa lagu eedeeyay in ay ka wada tirsan yihiin Al-Shabaab, sidoo kale ay ka wada tirsan-yihiin Koox gaar ah oo ay ula baxeen (jugta Culus) taas oo loogu tala galay in ay ku weeraraan fariisimaha Ciidamada amniga ay ku leeyihiin hareeraha Muqdisho.
Iyadoo ka ambaqaadeyso Nuxurka cadeymaha iyo difaaca qareenada ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Sideed (8)-sano oo xabsi Ciidan ah Seddaxda eedeysane ee markale ku biiray Al-Shabaab Abuukar Cabdi Abiikar, Cabdirisaaq Shaahid Aadan Kheyrdoon, Saleebaan Muxsin Sheekh Maxamed, halka labada eedeysane ee kale ,Cabdi Cali Isaaq Cilmi iyo Ilyaas Ciise Sheekh Cali ay ku xukuntay min Shan (5)-sano oo xabsi Ciidan ah, Sida uu u sheegay guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute uu ku dhawaaqay.
Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday rag Shabaab ka tirsan(SAWIRO)
Maxkamadda Ciidamada qalabka sidda ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday 5 ruux oo dhalinyaro ah, kuwaasoo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya. Abuukar Cabdi Abiikar (Fanax) oo eed