CV-ga Madoow, Ha wada Aqrin Ceebtana Alla ha asturo!!!.

0
Friday September 14, 2018 - 21:43:35 in Wararka by
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CV-ga Madoow, Ha wada Aqrin Ceebtana Alla ha asturo!!!.

    CV-ga Madoow, Runta iska sheeg Allana ka cabso. CV-ga madoow qof kasta waa uu leeyahya, laakin waa qariyaa. Malaha anigu dabaal ayaan ahay oo runtaan iska sheegayaa. Ha loo naxariisto Xerta iyo Ardayda danyarta ah, hadda guri kiro ah ayaan Wadjir ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

CV-ga Madoow, Runta iska sheeg Allana ka cabso. CV-ga madoow qof kasta waa uu leeyahya, laakin waa qariyaa. Malaha anigu dabaal ayaan ahay oo runtaan iska sheegayaa. Ha loo naxariisto Xerta iyo Ardayda danyarta ah, hadda guri kiro ah ayaan Wadjir ka deganahay, laakin gurigeyga Hodon waan dayac tiray, waxaana aan dajiyay 4 xer ah, lacag kiro ahna weligey ma warsan, iyagii ayaaba jooga oo la weeydiin karaa.

Beryahaan waxaa batay Xamar ayaan ku dhashay, Isbitaal Martiine Sooradii Talyaaniga aheyd ee umulisadu weli waa nooshahay, ama Isbitaal Banaadir, Isbitaalka SOS ama 50 Sanno jir ku leh Qixii ayaan dhashay, si loogu aqoonsado qof reer magaal ah. Qaar ey runtood tahayna waa jiraan. Kuwa xuduuda Soomaaliya aan ku dhalan oo sheeganaya in ay Xamar ku dhasheena waa jiraan. Aniga Teydu, ma ahan sheeko mala awaala ama aan jilayo ee Waa xaqiiq dhacday.

Markii aan Baadyaha joogay, Xamar meel fiican ayaan u maleyn jiray, Dadka ka yimaad Xamar ayaan is lahaa la mid noqo, iyaguna runta noogama sheegi jirin noloshooda Xamar, sida qaar diaspora ahiba aynan runta uga sheegin noloshoodii qurbaha . Cilmi diini ah iyo school ayaan aadayaa ayaan marmarsiiyo ka dhigtay, si waalidku iigu ogolaado in aan Mogadishu soo aado.

Markii aan imid, Qol Cariish ah oo degmada Waaberi ku yiil ayaan ku deganeyn Lix wiil oo ahaa Xer iyo Arday isgool, Aniga ayaa u yaraa 6deena, hadda 6dii anniga oo kaliya ayaa ka nool. Allaah ha u wada naxariisto. Cariishkii ayaa darbiga luuqa xiga ka dumay makii uu haraatiyay, Sac u xirnaa cid deriskeena aheyd, Reer Xaaji Cumar Culusoow AUN, Kartoon ayaan ku daarinay halkii duntay. Meeshaa duleeshatay waxaa habeenkii ka soo gali jiray Daba cadeeye iyo Bisado mar mar ilma ku dhala Sariiraha hoostooda. Waxa intaa sii dheera Baranbaro, Caaro, Dooli iyo Cayayaan kale, Qolkeena waxaa la dhihi karay waa Zoo-ga Xasharaadka. ( F.S: 1-7aad) Faynuus warkeeda dhaaf, Jardiin ku yiil No.4 ama kan Xamar weyne oo Nalal lahaa ayaan wax ku soo aqrisan jirnay habeenkii.

Nin habeen noo soo martiyay ayaa yiri: Dhilqaha qolkiina ku jiraahi qof kor waa u qaadi karaa haduu isku tago. Ninkaasi Waana ceebeeyay, markuu baadiyihii ku noqday ayuu dadkii uga sheekeeyay.

Markii Isgoolka la xiray ee aan Tuuladii tagnay ayaa dhalin yaradii Tuulada ee aan u bootey leheyn nagu yiraahdeed: warkiinu waa idinka soo horeeyay.

Subaxdii markaan qolka ka soo baxno oo aan magaalada aadeyno, Sariirtuna nagama hari jirin, iyadana banaaka ayaan soo dhigi jirnay, si dhilquhu uga yaraato, duhurkiina carro Bacaada oo kulul ayaan ku shubi jirnay. Habeenkii mid kasta oo naga mid ahi waxa uu ku dadaalayaa in laga hor seexdo, si dhilquhu qof kale uga sii dharagto ( F.S: 8,9,& 10aad).

Biyaha usbuucii mar ayaan ku shuban jirnay Aashuun yar ( F.S: 11), lacag la’aan xun ayaa jirtay, Saabuunta laaguma qubeysto ee wajigaa lagu dhaqdaa, si uuna nooga dhamaan iyo biyaha oo yaraa, Saabuunkana Xarig ayaa lagu xiri jiray si uuna Dooliga nala noolu uuna nooga qaadan ( F.S: 12aad) Dharka waxaan ku dhaqan jirnay omo Bail ( F.S: 13aad) bishiiba mar, dhar badan maba jirin, inta badan qubeyska waxaan u aadi jirnay Badda Geel-liq jimcaha, ama musqusha masaajidka Ansalooti.

Madaxa in la xiiro oo murux laga dhigo waa laga xishoonayay, Timahana annagaa isku jari jirnay. Tima jarena lacag looma heyn. Injirto ka hadal malaheyn, waxaa noogu injir badnaa midka noogu tima jilcanaa,weliba injita Badookiyo loo yaqiin ( F.S: 14,15 & 16aad) mar dambe ayaan helnay Daawada MOM oo aheyd Budo Gasac ku jirtay oo la qasayo kadibna madaxa habeenkii lagu duubay illaa subixii, kadibna Injirtu waa kaa soo daadanee farmashiye Somalia oo Waberi ku yiil ayaa Lacag la’aan nagu siiyay. Go’ jiifka ee aad huwaneeysid habeenkiina waa macawistaada.

Raashinka ninba ciddii uu ku jilanaa ayuu ka doontaa, taa annigu dhib kuma qabin, Habar yare Faadumo Hiraabe AUN oo aheeyd qof aad u naxariis badan ayaa gacanta igu heysay, laakin Jimcaha ayaan ka jecleeyn maalmaha kale, Jimcaha Subac iyo Burdo Akhris joogta ah ayaan tagi jirnay, casha fiican ayaana jirtay, mar marna xooga Lacag sanuuda ayaan soo heli jirnay,

Waxaa nagu soo biiray wiil aan qaraaba nahay oo Kenya lug uga yimid, waxa uu igu yiri: Berri ii raac qaraaba salaam ayaan Shibis ugu socdaahe. Habeenkii halkii shaati ee Abtigeey AUN uu ii gaday ayaan Joodariga hoostiisa galiyay si uu iigu feereeysmo. Subaxii ayaa soo lugeynay, markii aan mareynay Tiyaatarka hortiisa ayaa Dacskii aan watay iga Go’ay oo aan ku socon waayay, dib ayaan u soo noqday, Dukaankii Xaaji Xassan Macow AUN oo Ceel gaabta ku yiil ayaan ka helay Fiilo Feero aan ku sameystay Dacaskii, Dacasku markii horeba hoosta waa ka dhamaaday oo gadis ayuu ahaa ( F.S: 17-20aad), Wiilkii waxaan uga daba tagay Hotel Juba agtiisa.

Sannadihii 1970 yadii ayaa waxaa soo baxay in Kabaha Water proof-ka ah ay dhalinyaradu Moodo ka dhigato, laakin annaga Moodo nooma ahey, waxa ay noo aheyd Ceeb astur, raqiisna ah oo boondheere laga soo gato, waana cumri dheer yihiin ( F.S: 21aad).

In kasta oo aan Faqri aheyn, haddana Akhlaaq wanaagsan ayaan laheeyn annagu isma dhibi jirin, dadkana ma dhibi jirin , sida laga filan karay dhalin yaro da’daa ah, Arday naga nolol fiican ayaa jirtay oo aan saaxiibo aheyn. Saddax school ayaan dhigan jiray maalintii, habeenkiina Masjidka ayaa kitaaba naloogu akhri jiray,

Kuwa naga daranna waa joogeen, oo nolosha Magaalada ayaa sidaa u tiil, Weeydii waalidkaa ama qaraabada qaar. Annagu marna ma dhumin rajada in aan maalin uun aan ka baxi doono waqtigaa cuslaa.

Intaa aan ku soo koobo CV-ga madoow, kuwa kalena waa jireen, oo ka dambeeyay waqtigaa Caruurnimada ee kor ku xusan.

Gunaanad.

Hadda waxaan arkay aniga oo dharkeeyga qaar aan dhowr bilood xiran, kuwa cusubna iska sadaqeysto, waan arkay iyada oo la i jiifiyay Hotel 600 $ habeenkii ah, waan arkay aniga oo xarun Nasasho ku galay 1000$ Habeenkii, jeebkeeyga ma aheyn, waa ila xumeyd wax ku dheelnimadaas laakin wax soo ogoow ayaan u galay.

Ceeb ma ahan adiga oo hadda masuul ah, in aad nooga sheekeyso waqtiyadaadii adkaa, waan hubaa in qaarkiin ey iga darnaayeen, Laakin runta noo sheeg.

Haye, Adiguna CV-gaaga madoow wax ma nooga sheegi karta?. Commentiga ku dar?.

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip