Virgil Van Dijk oo ka war bixiyay sirta ka dambeysa difaaca wanaagsan ee Liverpool

0
Friday September 14, 2018 - 19:28:26 in Wararka by
  • Visits: 572
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Virgil Van Dijk oo ka war bixiyay sirta ka dambeysa difaaca wanaagsan ee Liverpool

    Hal gool oo keliya ayaa laga dhaliyay illaa iyo hadda xilli ciyaareedkan Premier League-ga, taasoo ka dhigan difaaca Liverpool uu is beddel badan ku yimid. Andrew Robertson, Virgil Van Dijk, Joseph Gomez iyo Trent Alexandre-Arnold ayaa si toos ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hal gool oo keliya ayaa laga dhaliyay illaa iyo hadda xilli ciyaareedkan Premier League-ga, taasoo ka dhigan difaaca Liverpool uu is beddel badan ku yimid. Andrew Robertson, Virgil Van Dijk, Joseph Gomez iyo Trent Alexandre-Arnold ayaa si toos ah ugu soo wada billawday afartii ciyaarood ee ay kooxda Macallin Jurgen Klopp guuleysatay.

Dad badan ayaa uu soo jiitay qaabka Reds ay jaanta isula heshay, si gaar ah, waaxda difaaca ayaa fiicnaansho badan ay ka muuqataa, halkaas oo markii hore ahayd cilladda ugu badan ee ay ka tabaneysay.

Hadda difaaca naadiga Mersyside-ka ee Virgil Van Dijk ayaa tilmaamay sababta difaacyada Liverpool ay u noqdeen kuwo isa saara masuuliyad aad u weyn.

Xiddiggii hore ee Southampton ayaa sheegay in xilalka Captain-ka ee ciyaartoyda u xiranyihiin qaramadooda ay keentay in ay dareemaan inay saarantahay cadaadis iyo masuuliyad xoog leh.

Van Dijk ayaa hadda ah Captain-ka qaranka Netherlands, Andrew Robertson ayaa isna loo magacaabay Captain-ka xulka Scotland, halka Joseph Gomez uu horay usoo noqday qaranka England ee ciyaartoyda da’doodu ka hooseyso 21-ka sano.

Liverpool ayaa toddobaadka soo aaddan la kulmi doonta kooxaha Tottenham iyo Paris Saint-Germain.

Maalinka Sabtiga(Berri) ayay u martineysaa Reds kooxda ka dhisan London ee Tottenham, halka 18-ka bishan Anfield kusoo dhoweyn doonto kooxda PSG kullankooda koowaad ee tartanka UEFA Champions League-ga.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip