Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku geeriyooday Shil ka dhacay duleedka Jowhar

0
Friday September 14, 2018 - 19:21:53 in Wararka by
  • Visits: 224
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku geeriyooday Shil ka dhacay duleedka Jowhar

    Sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa shalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Mahadaay iyo Jowhar. Sarkaalka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Mukhtaar Cali Xuseen, waxaana sarkaalkan uu kaxeynayay gaari Cabdibile ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa shalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Mahadaay iyo Jowhar. Sarkaalka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Mukhtaar Cali Xuseen, waxaana sarkaalkan uu kaxeynayay gaari Cabdibile ah. Wararka ayaa sheegaya in gaariga uu ahaa mid xowli ku socday, wadada u dhaxeysa Jowhar iyo Mahadaay ay tahay mid burbursan.

Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa saraakiishii xoogga dalka ee hoggaamineysay howl galadii Al-Shabaab looga saaray deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaa uu Sarkaalkan Taliye u ahaa ciidan ku sugnaa deegaanka Buurane ee duleedka degmada Mahadaay.

Wadada u dhaxeeysa Mahadaay iyo Jowhar oo ah mid burbursan ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay shilal gaari.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip