Gaas "Doorasho Hal qof iyo Hal cod ah waxa ay ka dhici kartaa keliya Puntland"
Madaxweynaha Puntladn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta furay Shir weynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda, Maamul Wanaagga iyo Horumarinta ka qayb galka Bulshada ee go'aamada dowladda Puntland.
Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Masuuliyiin ka socotay hay'adaha aan dowliga ahayn, 6 degmo iyo 54 degaan oo kamida degmooyinka iyo degaanada Puntland, aqoon yahano, hay'addaha Wasaaradda Dastuurka kala shaqaynayey mashruuca, masuuliyiin ka socda ururada siyaasadda iyo masuuliyiin kale.
Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta barnaaminka Shirweynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda iyo Maamul wanaagga, isagoona uu xusay Madaxweynuhu in barnaamij kani waxbadan ay kaga baranayaan bulshada reer Puntland arrimaha Dimuquraadiyadda.
"Dimuquraadiyaddu laba siyaaboodba waa u muhiim midda koowaad waxa weeye, kow qofku xorma aha illaa inta uu isagu codkiisa cid ku dooranayo, labo dimuquraadiyaddu Maxay tahay, waa inta tirada badan ra’yigooda in la raaco, halkaa kuma’eka dadka iyagu tirada yar ee codkooda wax ku waayey waa qayb in xuquuqdooda la difaaco oo aanay ku tuman inta tira badnida codka ku heshay”. Ayuu yiri Madaxweyna Puntland.
Gaas "Doorasho Hal qof iyo Hal cod ah waxa ay ka dhici kartaa keliya Puntland"
Madaxweynaha Puntladn Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta furay Shir weynaha Hanaanka Dimuquraadiyadda, Maamul Wanaagga iyo Horumarinta ka qayb galka Bulshada ee go'aamada dowladda Puntland. Shirka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro