Ronaldo oo ka niyad jabay guulaha Real Madrid

0
Sunday September 09, 2018 - 21:39:48 in Wararka by
  • Visits: 577
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ronaldo oo ka niyad jabay guulaha Real Madrid

    Wali lama arag xaqiiqada dhabta ah ee Cristiano Ronaldo ugu biiray kooxda ka dhisan magaalada Turin. 33 jirkaan ayaa weli raadineya inuu shabaqa soo taabto tan iyo markii uu ka dhaqaqay kooxda Real Madrid.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wali lama arag xaqiiqada dhabta ah ee Cristiano Ronaldo ugu biiray kooxda ka dhisan magaalada Turin. 33 jirkaan ayaa weli raadineya inuu shabaqa soo taabto tan iyo markii uu ka dhaqaqay kooxda Real Madrid.

Ka dib seddex kulan oo Serie A ah, Ronaldo ayaa qaaday weeraro badan, isagoo aan dhalin wali wax gool ah.

Wuxuu bartilmaameedsaday gool 23 jeer, taasoo ka badan weeraryahanada kale eeugu fiican Yurub xilli ciyaareedkan.

Dhanka kale, Real Madrid waxay ku bilaabatay nolol uu ka maqan yahay Roanldo, iyadoo heshay qaab ciyaareed fiican.

Waxa ay dhibcaha ugu badan ka heleen seddexdii kulan ee La Liga ugu horeysay xili ciyaareedkaan, waxaana ay u muuqanayaan kuwa socan kara la’aanta Cr 7.

Taageerayaasha ayaa ka walwalsanaa shaqsigii u bedel lahaa Ronaldo, laakiin Gareth Bale iyo Karim Benzema ayaa durba dhaliyay todoba gool.

Saxafiyiin badan oo Spain ah ayaa si aad ah u falanqeeyay qaab ciyaareedka Real Madrid, iyadoo uu xitaa ka maqan yahay Ronaldo.

Laakiin waxay u muuqataa in xiddiga reer Portugal uu niyad jabay ka dib markii uu akhriyay warbixinada lagu amaanayo awooda kooxdiisii hore.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip