Haddii ay wadda shaqeyn karin Farmaajo iyo Madaxda Dawlad Gobolleedyada maxaa xal ah ?

0
Wednesday September 05, 2018 - 23:46:49 in Wararka by
  • Visits: 748
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii ay wadda shaqeyn karin Farmaajo iyo Madaxda Dawlad Gobolleedyada maxaa xal ah ?

    Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa shirkoodii ka furmay magaalada kismaajo waa shirkii saddexaad ee ay yeeshaan muda ka yar sanad. Intaa waxay ee daynayeen hogaanka villa somalia fadhiya. Shirkan oo uu marti geliyay madaxweynah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa shirkoodii ka furmay magaalada kismaajo waa shirkii saddexaad ee ay yeeshaan muda ka yar sanad. Intaa waxay ee daynayeen hogaanka villa somalia fadhiya. Shirkan oo uu marti geliyay madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa madaxda dowlad-gobolleedyada waxaa ay sheegeen in shirkan looga arrinsasanayo arrimaha masiiriga ah ee u gaarka ah, khuseeyana iskaashigooda iyo guud ahaan danta caam ka ah. ee shacabka soomaaliyeed sugayaan in wax laga qabto. furitaankii. Shirka ka dib Waxa khud bado laga dareemayo dhaleeceyn iyo deed soo jeediyey dhamaan madaxda dowlad Gobolleed yada oo dhan. Khud badahooda waxaa ka mid ahaa hadaladan. (Madaxweyne Shariif Xasan. )

Hubka dowladda Federaalka Soomaaliya ay hayso haddii ay ku bixin weyso in lagula diriro Al-Shabaab xagee u wadaa? Sow maaha wax shaki galinkara cid kasta oo og dhibaatada al shabaab shacab keena ku kayso.

Madaxweyne Shariif Xasan. Shabaab loogama adkaan karo jid la xiro kaliya waxaa looga adkaan karaa in la dhiso ciidan dowladeed oo meel walba gala kagana daba taga miyi iyo magaalada. Arinkan muxuu ku diidan yahay Madaxweyne Farmaajo in alshabaab la weeraro.

(Madaxweyne Waare.)

Soomaali horey ayeey u tiri Buur ahoow ama Buur ku tiirsanoow oo uu la jeedo awood dawladnimo yeelo ama saaxiibo awoodleh yeelo.


Madaxweyne Waare. Soomaaliya waa in ay qeexdaa danaheeda qaran waana in aan anaga isku sheegnaa danta aan leenahay oo aan ku badbaad deyno waa in la isla meel dhigaa yaa saaxiib noo ah yaan noo ahayn? Wa nasiib xumo inaan la kala garan waayey. Danta soomaali xagee ku jirtaa jabuuti iyo Eriteriya.

(Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam)

Dowladda Dhexe ee dalka Xafiisyadeeda kaliya yeeysan ku ekaan caasimadda wax qabadkeeda ha soo gaaro dalka oo idil
Madaxweynaha dowladda federaalka waxaad mooddaa inuu ku dhaqmayo ama uu wax ku maamulayo sida rabitaankiisa iyo Qancinta aragida Raga ku ag dhaw dhaw.
Ama sida uu markaas rabo iyo sida isaga ula muuqato aanuu marna saaraynin cabbirka dadka talada la wadaagaan qabaan. iyo aragtida, waddanka waa waddan nooce ah waddanka la maamulaya , dhaqankiisa muxuu yahay, xaladiisu waa sidee.

(Madaxweyne Gaas)

Lacagaha kaalmada Soomaaliya la siiyo waa in la iskula xisaabtamaa halka ay ku baxdo”.
Waa inaan aragnaa siyaasadda soomaaliya oo laga wada tashto iyo dhisitaanka ciidammada.
Sixida dastuurka iyo wada samaynta xubnaha Maxkamada dasuuriga ah oo muhiim u ah awood qayb siga wadanka.

(Madaxweyne Xaaf)

Dowladda dhexe wax walba oo aan heshiis wada galnay iyo mashaariic wada saxiixnay waxaa ay ka badin waayeen Xaaf ha Baxo
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ku mashquulsan tahay sidii Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ay u ridi lahaayeen, madaxda hada xilka haysa.
Arintan oo ahayn wax si fudud loo sameyn karo in maamul la bur buriyo.
Falanqeyntayda waxaan farta ku fiiqayaa dawlada madaxweyne farmaajo hogaamiyo way adag tahay inay afar sano xaalad khilaaf wadanka ku hogaamiso

Hadaan lagu guulaysan dib u dhiska ciidanka Qaranka ee soomaali ka dhaxeeya hadaan lagu guulaysan sidii looga dhabeyn lahaa heshiisyo ay horey u kala gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Fulin la’aanta heshiisyada ay galaan madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ayaa sabab u ah inuu yimaado khilaafka soo laalaabtay ee dowladda iyo maamulada dalka.
Hadii khilaafkan xal loowaayo.

Waxaa dhici karta in mooshin weyn soo abaabulaan kooxa siyaasadeed ee kala danta ahKuna mideysan inay xilka ka qaadaan madaxweyne Farmaajo iyagoo u soo maraya dhinaca baarlamaanka dawlado shisheeyana dhaqaale ka helaya arinkan waa suurta gal marka aad eegti sida lookala fogaadey.

Waxaa iska cad in Qalalaasaha siyaasadeed ee waqtigan. Taagan uu yahay mid awood lagu kala bixidoono dhinaca baarlamaanka ka timaada.

Warbixintaan Waxaa Qoray Falanqeeye Siyaasadeed Danjire Mahamed Caalim
caalim68@hotmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip