Messi oo laga waayay Saddexda musharax ee ku tartamaya Ballon d'Or

0
Monday September 03, 2018 - 22:39:59 in Wararka by
  • Visits: 573
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Messi oo laga waayay Saddexda musharax ee ku tartamaya Ballon d'Or

    Cristiano Ronaldo, Luka Modric iyo Mohamed Salah ayaa isugu soo haray liiska ugu dambeeya xiddigaha ku tartamaya abaalmarinta Ballon d'Or 2018. Weeraryahanka Barcelona iyo Argentina Lionel Messi, oo shan jeer ku guuleystay Ballon d'Or, a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cristiano Ronaldo, Luka Modric iyo Mohamed Salah ayaa isugu soo haray liiska ugu dambeeya xiddigaha ku tartamaya abaalmarinta Ballon d'Or 2018. Weeraryahanka Barcelona iyo Argentina Lionel Messi, oo shan jeer ku guuleystay Ballon d'Or, ayaa seegay inuu ka mid noqdo seddexda mushar ee isku soo haray. Sidoo kale waxaa layaab laheyd in liiska laga waayay ka mid ah ciyaaryahanada xulka France ee ku guuleystay Koobka Adduunka. Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Portugal Ronaldo ayaa kula guuleystay markii shanaad tartanka Champions League Real Madrid bishii May ka hor inta uusan ku biirin Juventus. Ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Real Madrid Luka Modric ayaa loo magacaabay ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa koobka adduunka 2018, iyadoo Croatia ay gaartay final-ka ka hor inta aysan ka qaadin France. Weeraryahanka reer Masar Salah ayaa dhaliyay 44 gool markii Liverpool gaartay final-ka Champions League, inkastoo Real Madrid kaga badisay ciyaartii ugu dambeysay.

Modric ayaa ku garaacday Ronaldo iyo Salah ciyaaryahanka sannadka ee Uefa jimcihii lasoo dhaafay.

Thibaut Courtois oo Real Madrid & Belgium ah, Hugo Lloris oo kula guuleystay France koobka addduunka iyo Kasper Schmeichel oo u ciyaaara Leicester ayaa nasiib u yeeshay inay isugu soo haraan saddexda musharx eek u tartamaya goolhayah ugu fiican sannadka.

Denmark Didier Deschamps, oo ku hogaamiyay France koobkii adduunka, ayaa loo magacaabay liiska saddex tababare oo u sharaxan abaalmarinta macalinka sannadka.

Tababaraha Croatia Zotko Dalic iyo tababarihii hore ee Real Madrid Zinedine Zidane ayaa sidookale liiska ku wehliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip