Isku aadka Champions League oo la sameeyay

0
Friday August 31, 2018 - 21:29:18 in Wararka by
  • Visits: 568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku aadka Champions League oo la sameeyay

    Manchester United ayaa wajaheysa Cristiano Ronaldo kadib markii kooxda Serie A difaacaneysa ee Juventus ku beegmeen wareega group-yada tartanka Champions League. Ronaldo, oo intii udhaxeysay 2003 ilaa 2009 ka tirsanaa United ayaa Juve ugu dhaqaaqay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Manchester United ayaa wajaheysa Cristiano Ronaldo kadib markii kooxda Serie A difaacaneysa ee Juventus ku beegmeen wareega group-yada tartanka Champions League. Ronaldo, oo intii udhaxeysay 2003 ilaa 2009 ka tirsanaa United ayaa Juve ugu dhaqaaqay £99.2m bishii July kadib sagaal sanno oo uu ku qaatay Real Madrid.

Valencia iyo Young Boys ayaa sidookale kula jira Juventus iyo Manchester United Group H.

Tottenham ayaa group ku wajaheysa Barcelona, halka kooxda kaalinta labaad ku dhameysatay xili ciyaareedkii hore ee Liverpool ay wajaheyso Paris St-Germain iyo Napoli.

Premier League kooxda difaacaneysa ee Manchester City ayaa Group F ku wajaheysa Shakhtar Donetsk, Lyon iyo Hoffenheim.

Xili ciyaareedkii lasoo dhaafay kooxda hanatay Champions League ee Real Madrid, ayaa Group G ku arkeysa Roma, CSKA Moscow iyo Viktoria Plzen.



#Isku Aadka #Wareega Group-yada oo #dhameystiran.

#Group A: Atletico Madrid, Borussia Dortmund, Monaco, Club Brugge.

#Group B: Barcelona, Tottenham, PSV Eindhoven, Inter Milan.

#Group C: Paris St-Germain, Napoli, Liverpool, Red Star Belgrade.

#Group D: Lokomotiv Moscow, Porto, Schalke, Galatasaray.

#Group E: Bayern Munich, Benfica, Ajax, AEK Athen.

#Group F: Manchester City, Shakhtar Donetsk, Lyon, Hoffenheim.

#Group G: Real Madrid, Roma, CSKA Moscow, Viktoria Plzen.

#Group H: Juventus, Manchester United, Valencia, Young Boys.

#Goormee la dheelayaa kulamada Group-ka?

Ciyaaraha 1aad: 18-19 September

Ciyaaraha 2aad: 23-24 October

Ciyaaraha 3aad: 23-24 October

Ciyaaraha 4aad: 6-7 November

Ciyaaraha 5aad: 27-28 November

Ciyaaraha 6aad: 11-12 December



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip