Madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo soo wajahday duufaan cabsi iyo welwel miiran leh (Warbixin)

0
Tuesday August 28, 2018 - 20:49:51 in Wararka by
  • Visits: 654
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynayaasha maamul goboleedyada oo soo wajahday duufaan cabsi iyo welwel miiran leh (Warbixin)

    Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah maamulka Jubaland waxaa la filayaa inay kulankii saddexaad isugu yimaadaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka, waxaana shirkaan oo ka duwan kuwii hore ay uga hadlayaan arrimo dhowr ah, iyagoona go'aano

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah maamulka Jubaland waxaa la filayaa inay kulankii saddexaad isugu yimaadaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka, waxaana shirkaan oo ka duwan kuwii hore ay uga hadlayaan arrimo dhowr ah, iyagoona go'aano culus ka soo saaraya duufaanta wadata cabsida iyo welwelka ku aadan aayahooda siyaasadeed. Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay diyaarinta ajandayaasha looga hadlayo kulanka madaxda maamul goboleedyada dalka ee ka dhacaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inay ka mid yihiin: arrimaha doorashooyinka ka dhacaya gobolada ay maamulaan Madaxweyne C/Weli Gaas ee Puntland iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee K/Galbeed.

Arrimaha kale oo madaxda ay ka wadahadlayaan waxaa ka mid ah faragelin ay sheegeen inay ku heyso dowladda dhexe ee Federaalka iyagoona ku eedeeyay inay gadaal ka riixeyso musharaxiin horay uga tirsanaa Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hoggaamiyeyaashan shanta ah ayaa la filayaa in shirkooda lagu jeex jeexi doono qorsheyaashoda siyaasadeed iyo sidii ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen cid kasta oo kahor timaada isla markaana iska kaashadaan sidii ay ugu guuleysan lahaayeen doorashooyinka ka dhacaya gobolada ay maamulaan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka mid ah madaxda culeyska siyaasadeed ka soo wajahay maamulkiisa, kaddib markii xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaasi ay ugu yeereen inuu hor yimaado si wax looga weydiiyo eedeymo dhowr ah oo ay u jeediyeen.

Xaaladda siyaasadeed ee maamulka Hirshabelle ayaa ka sii dartay kaddib markii Madaxweyne K/Xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay Muqdisho yimaadeen isla markaana ay kulan la yeesheen Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre taasi oo shaki weyn ku sii abuurtay Madaxweyne Waare oo isagu aaminsan in dowladda federaalka ay faragelin ku heyso arrimaha maamulkiisa.

Arrintu si kastaba ha ahaatee xiriirka u dhaxeeya Dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada dalka oo aan markiisii horeba ku taagneyn cago badan ayaa laga cabsi qabaa inay sii fogeyso hannaanka federaaleynta dalka iyo dowlad sal adag leh oo ka dhalata dalka isla markaana hanata dalka oo dhan.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa isna waxaa saameeyay duufaanta cabsida iyo welwelka miiran leh kaddib markii qaar ka mid ah gobolada maamulkiisa hoos yimaada ay ka bilowdeen kacdoon dadweyne iyo dibadbaxyo lagu diidan yahay maamulkiisa, iyadoo horay ay u heysteen qulqulatooyin siyaasadeed kaddib markii uu kahorjeestay isla markaana magaalada Muqdisho dib ugu celiyay taliyeyaal ciidan oo dowladda dhexe u magacowday ciidamada Xoogga dalka iyo hay’adda sirdoonka ee NISA.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka inaysan kala tashan maamulkiisa saraakiisha ay u soo magacowday gobolada uu isagu ka taliyo, isagoona si cad u sheegay in madaxda dowladda dhexe aanay fulineyn wixii lagu heshiiyay balse ay sameynayaan bilcaksiga wixii ay ku heshiiyeen, wuxuuna ka digay Axmed Madoobe in dalka ay ka dhacaan dagaallo sokeeye iyo arrimo uu sheegay in maamulka Jubaland horay uga soo gudbay.

C/Weli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland oo horay u sheegay in xukuumadiisu ku guul darreysatay doorashooyin qof iyo cod ah ayaa sheegay in qaabkii hore lagu dooranayo madaxweynaha cusub, hase yeeshee khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka ayaa sii xoogeystay kaddib markii uu magaalada Gaalkacyo ka celiyay taliye laga soo magacaabay magaalada Muqdisho.

Go’aanada la filayo inuu soo saaro golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka shirka Kismaayo oo intiisa badan khuseeya xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta ayaa u muuqda mid dhan ka ah dowladda dhexe ee federaalka ah, inkastoo aanay weli wax jawaab ah ka bixin madaxda ugu sareysa xukuumadda Federaalka.

Aqoonyahano iyo xeel dheerayaal u dhuun daloola arrimaha siyaasadda dalka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay khilaafka soo noqnoqday ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada dalka, iyagoona tilmaamay in haddii aan la helin midnimo siyaasadeed oo caafimaad qabta ay dhabar jab ku tahay dowladnimada iyo hirgelinta federaaleynta dalka.

Dhinaca kale dowladda federaalka ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kowsatay culeysyo xaalado kala duwan ayna ugu weyn tahay xiisadda siyaasadeed ee uga imaanaya madaxda maamul goboleedyada, hase yeeshee xeeldheerayaasha siyaasadeed iyo aqoonyahanada ay ku talinaya in madaxda ugu sareysa dowladda federaalka ay la yimaadaan siyaasad degan.

Ugu dambeyntii waxaan shaki ku jirin in hardanta siyaasadeed ee ka socda dalka uu wiiqay rajooyin badan oo laga qabay in dalka uu ka dhaco, waxaana marag ma doonto ah in qaranimada Soomaaliyeed dhaawac weyn soo gaaray, bacdamaa ay meesha ka baxeen howlo fara badan oo ay ka mid yihiin: dhismaha ciidamo qaran oo hanta awooda dalka isla markaana kala wareega ciidamada AMISOM oo durba bilaabay qorshaha ay dalka uga baxayaan.

Waxaa Qoray: Jabriil M. Nur (Jabra)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip