Arsene Wenger Oo Sida Boqor Oo Kale Loogu Soo Dhaweeyay Qaaradda Afrika

0
Friday August 24, 2018 - 20:51:30 in Wararka by
  • Visits: 523
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arsene Wenger Oo Sida Boqor Oo Kale Loogu Soo Dhaweeyay Qaaradda Afrika

    Dad badan oo taageerayaasha kooxda Arsenal ah ayaa soo dhoweeyey Arsène Wenger, isagoo tegey dalka Liberia, ka hor xaflad lagu guddoonsiin doono abaalmarinta ugu sarraysa dalka. Tababarihii hore ee Arsenal ayaa ahaa macallinkii ugu horreeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan oo taageerayaasha kooxda Arsenal ah ayaa soo dhoweeyey Arsène Wenger, isagoo tegey dalka Liberia, ka hor xaflad lagu guddoonsiin doono abaalmarinta ugu sarraysa dalka. Tababarihii hore ee Arsenal ayaa ahaa macallinkii ugu horreeyey ee reer Yurub ah ee tababara madaxweynaha Liberia George Weah, keenayna kooxda Monaco 1988.
Madaxweyne Weah ayaa noqday ciyaartoygii kaliya ee Afrikaanka ahaa ee ku guulaystay cayaartoyga FIFA ee dunida.
Abaalmarinta dalka ugu sarraysa ayaa Wenger la guddoonsiin doonaa 24 Agoosto, waxaana wehliya billad sharaf.
Tababarihii hore ee Arsenal oo haya ilmo yar oo xiran funaanadda Arsenal, markii uu garoonka ka soo degay 22 Agoosto
Taageerayaasha Arsenal oo qaylinaya si ay u soo dhaweeyaan Arsene Wenger
Waxaa lagu soo dhaweeyey garoonka dayaaradaha ee Harbel oo 52 KM u jira magaalada Caasimadda ee Monrovia, waxaana soo dhoweeyey wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Zoegar Wilson (Midig hoose).
Arsene Wenger (dhexda) waxaa garoonka Harbel ku soo dhaweeyey 22 Agoosto Zoegar Wilson (midig) wasiirka cayaaraha,Arsene Midig (3aad midigta) oo la sawiran taageerayaasha Arsenal markii uu yimid garoonka 22 Agoosto.
Wenger wuxuu warbaahinta u sheegay in uu dalka u yimid inuu booqdo George, oo uusan ka warqabin wax abaalmarin ah.
Hore ayuu uga hadlay inuu la dhacsan yahay Mr Weah,waraysi uu siiyey BBC. qeybteeda cayaaraha.
"Waxaan xusuustaa markii ugu horraysay ee aan ku arkay Monaco, isagoo xoogaa yara lunsan, oo aan cidna aqoon, oo cidna aysan u aqoonsanayn inuu cayaaryahan yahay, oo markii dambena uu noqday cayaartoygii dunida ugu fiicnaa 1995, maantana waa kaas waa madaxweynihii dalkiisa” ayuu yiri Wenger.
"Nolosha ninkan xaqiiqadii waa sidii filim oo kale. maba rumaysan kartid. Filim cajiib ah ayaa laga samayn karaa” ayuu sii raaciyey.
Taageere Arsenal oo kor u haya boor uu ku soo dhoweynayo Arsene Wenger
Qof walba ma ahayn arrin uu ku faraxsanaa imaanshihiisa.
Qaar ka mid ah dadka waddanka Liberia waxay sheegayeen in abaalmarinta aan la siin dad lagu siinayo wixii shakhsi ahaan ay tareen madaxweynaha, sida uu sheegayo wariyaha BBC ee Monrovia Jonathan Paye-Layleh.
Barnaamij ka baxa idaacad waddankaas ku taalla oo la yiraahdo 50-50, ayaa qaar ka mid ah dadkii soo wacay waxay sheegeen in Mr Weah ay ahayd inuu sharfo tababarayaashii reer Liberia ee wax soo baray, ka hor inta aysan indhaha dunidu arkin.
Wasiirka warfaafinta ee Liberia Eugene Nagbe wuxuu BBC u sheegay in abaalmarintu aysan ahayn mid lagu bixinayo xiriirka ka dhaxeeya Wenger iyo Weah, balse ay tahay mid lagu aqoonsanayo muwaadinkaas Faransiiska ah "waxa uu ku soo kordhiyey isboortiga Afrika, iyo isagoo fursado siiyey cayaartoy badan oo Afrikaan ah”.
Wenger ayaa soo tababaray ilaa 16 cayaartoy oo Afrikaan ah intii uu macallinka u ahaa kooxda Arsenal, waxaana ka mid ahaa difaaca Ivory Coast Kolo Toure, difaaca Cameroon Laurent, iyo laacibkii Nigeria Nwankwo Kanu.
Xigasho:- BBC Soomaali



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip