James Milner oo kala doortay Gerrard iyo Silva xilli uu sameeyay kooxdiisa riyada

0
Monday August 20, 2018 - 21:08:13 in Wararka by
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    James Milner oo kala doortay Gerrard iyo Silva xilli uu sameeyay kooxdiisa riyada

    Laacibka shaqada badan ee James Milner ayaa shan ciyaaryahan ka soo doortay xiddigihii uu lasoo wadaagay qolka lebiska isagoo ka sameeyay kooxdiisa riyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka shaqada badan ee James Milner ayaa shan ciyaaryahan ka soo doortay xiddigihii uu lasoo wadaagay qolka lebiska isagoo ka sameeyay kooxdiisa riyada.

Ma daalaha kooxda Liverpool ayaa go’aankii ugu adkaa qaatay markii uu David Silva ka door biday Steven Gerrard marka ay timaaddo ka ciyaarista khadka dhexe.

Goolhaye Joe Hart oo ay ka wada tirsanaayeen Manchester City iyo xulka England ayuu ka dhigay shabaq ilaaliyihiisa ugu fiican ee u matalaya kooxdiisa riyada.

Halka difaaca uu ka dhigay Jonathan Woodgate isagoo khadka dhexe usoo xushay David Silva, inkastoo uu si gaar ah u xusay Steven Gerrard iyo Frank Lampard.

Weerarkiisa ayuu ka dhigay mid laba ah, waxaana uu usoo qaatay Sergio Aguero iyo Alan Shearer.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip