Wasiirka Amniga Qaranka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar islow (Ducaale)ayaa tilmaamay in wasaaradda amniga ay wax lagu faano u tahay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay noqdaan hormuudka barnamijka isxilqaan.

munaasabada kooban oo loogu mahadceliyey taliska Booliska Soomaaliyeed oo xarunta CID ku dayac tiray barnaamijka isxilqaan waxa ka qayb galay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka , wasiiro uu ka mid yahay wasiirka Amniga , xildhibaano,guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo sarakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida,Taliyaasha Ciidanka Boliska iyo Asluubta,waxaana dhamana mas’uuliyiintii ka qeybgashey ay ku ammaaneen hoggaanka CID sida uu isugu xilqaamay dhismaha xaruntaasi.



Baashi Yuusuf Axmed Guddoomiyaha Maxakamadda sare ee Dalka ayaa dhankiisa booliska Soomaaliyed ugu hambalyeeyeydowrkooda dhismaha dalka,gaar ahaan dayactirka xaruuntan,wuxuuna xusay in dhismaha xaruntani ay ka qayb qaadanayso tayada hoggaanka CID oo tiir muhiim u ah garsoorka iyo Cadaaladda.

Hoggaanka baarista dembiyada oo ka mid ah hoggaanada ugu muhiimsan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa isku xirta hay’addaha garsooorka , cadaadlladda iyo Nabad galyada,waana halka ay ka soo bilaabato barista dacwad ciqabeed kasta.