Wasiirka Waxbarashada oo soo saaray Hirgelinta nidaamka Waxbarashada Somaliya

0
Sunday August 19, 2018 - 09:40:51 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Waxbarashada oo soo saaray Hirgelinta nidaamka Waxbarashada Somaliya

    Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa soo saaray wareegto ku saabsan Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka maadaama dhawaan lagu wado in la furo sannad dugsiyeedka Waxbarsho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Waxbarashada hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa soo saaray wareegto ku saabsan Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka maadaama dhawaan lagu wado in la furo sannad dugsiyeedka Waxbarsho.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Xassan Maxamed Cali ayaa saxaafadda u akhriyay wareegtada ka soo baxday Wasaaradda waxaana ka mid ah , si looga fogaado jahwareer ku dhaca caruurta Soomaaliyeed ee dhigta dusgiyada waxbarashada dalka islamarkana loo dhaqan geliyo siyaasaddaiyo manhajka qarankaee ay ansixiyeen golaha wasiirada.

Nidaamka hirgelinta waxbarashada dalka

1-Manhajka, dhamaan dugsiyadda waxaa lagu dhigayaa buugagta cusub ee ku saleysan manhajkaqaran kuwaasoo dhawaan idin soo gaari doona gaar ahaan fasaladahoose, koowaad iyo afraad oo ay diyaarisay wasaaradda waxbarashada dalka.

2-Wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada dalkaayaa qaadi doona imtixaanka shahaadiga eefasalka sideedaad ee looga gudbo dugsiga dhexe, iyaga ayaana bixin doona shahaada looga gudbayo.

T, Imtixaankafasaladka afraadwaxaa qaadayawasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka.

J, shahaadda dugsiyada sarewaxaa laga qaadan doonaan xafiisyada wasaaradda ee dowlad goboleedyada iyo xafiiska imtixaanaadkaiyo shahaadooyinka oo ay ka heli doonaan ardeyda gobolka Banaadir.

3- Sannad dugsiyeedka xiligiisa.

Dhamaan dugsiyada waxay galayaan labo xili oo kala ah xiliga koowaadwuxuu bilaaban doonaa bisha Ogosto sabtida ugu horeysay wuxu dhamaan doonaa todobaadka saddexaad ee bishaDecember ee sannad walba, sannad dugsiyeedka labaad, wuxuu bilaaban doonaanSabtiga ugu horeeyaee bisha janaayo wuxuuna dhamaan doona todobaadka ugu dambeeya ee bisha maajo.

4-Afafka lagu baranayo manhajka.

  • Dugsiyada hoose dhexe waxay wax ku baran doonaan afka Soomaaliga.
  • Afka carabiga waxaa maado ahaanlaga bilaabayaafasalka koowaad dugsiga hoose.
  • Afka Ingiriiska maado ahaan waxaa lagu bilaabaya fasaladka sadddexaad dugsiyada hoose.
  • Dugsiga sare waxaa wax lagubaranayaan Afafka Soomaaliga, Carabiga iyo ingiriiska iyadoo la raacayo manhajka qaranka.

5- Fasaxyada sannad dugsiyeedka waxaa la raacayaa kalandarka wasaaradda ay soo saartay sannad dugsiyeedka.

  • Dugsiyada sare wuxuu qaadan doonaa 10 maado.
  • Dugsiga dhexe wuxuu qaadan8 maado.
  • Dugsiga hoose wuxuu qaadan 8 maado.
  • Dugsiga sare wuxuu qaadan doonaa 10 bilood
  • Dugsiga dhexewuxuu qaadan doonaa 10 bilood.
  • Dugsiga hoose wuxuu qaadan doonaa10 bilood.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip