SAWIRRO: Shirka Wadatashiga Diyaarinta Hanaanka Qaran ee Dib u Heshiisiinta oo ka furmay Muqdisho

0
Saturday August 18, 2018 - 21:05:45 in Wararka by
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SAWIRRO: Shirka Wadatashiga Diyaarinta Hanaanka Qaran ee Dib u Heshiisiinta oo ka furmay Muqdisho

    Shirka wadatashiga Diyaarinta Hanaanka dib u heshiisiinta Qaran ee loo qabtay hayaddaha kala duwan ee dowladda ayaa maanta kafurmay magaalada Muqdisho .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirka wadatashiga Diyaarinta Hanaanka dib u heshiisiinta Qaran ee loo qabtay hayaddaha kala duwan ee dowladda ayaa maanta kafurmay magaalada Muqdisho .

Shirkaan ayaa loo qabtay masuuliyiin ka tirsan hay’adaha kala duwan ee dowladda si ay fikirkooda ugu daraan hanaanka diyaarinta dib u hishisiinta qaran oo ay diyaarineyso wasaaradda arimaha gudaha.

Kusimaha wasiirka ahna wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda federaalka Mudane Cabdulaahi Faarax Wehliye oo furay shirka waxaa uu tilmaamay in muhiimada shirkaani furmay uu yahay in la helo hanaan sal adag leh oo lagu wajaho dib u heshiisiinta dalka

.Ismaciil Macalin Muuse Gudoomiyaha Gudiga Dib u hishiisiinta Qaranka oo shirka kahadlay ayaa waxa uu sheegay in wasaaradda arimaha gudaha iyo labada gole ee baarlamaanka ay ugudbiyeen gudigooda qorshaha ay kula ay uga qayb galayaan Diyaarinta Hanaanka dib u heshiisiinta Qaran oo ay wado wasaaradda arimaha gudaha.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip