XIL KA NOQOSHO.( wareegto No.4446)

0
Friday August 17, 2018 - 20:01:36 in Wararka by
  • Visits: 636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XIL KA NOQOSHO.( wareegto No.4446)

    Kadib markii aan xilal u magacaabay qoyskii degenaa Guriga xaaska weyn Xaliimo. waxaa ii yimid wiilkii curadka ahaa minyarada Faay dhuubo oo oynaya waxa uuna igu yiri: Hooyo ayaa igaraacday markii liiska xilalka laga waayay magaceyga .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii aan xilal u magacaabay qoyskii degenaa Guriga xaaska weyn Xaliimo. waxaa ii yimid wiilkii curadka ahaa minyarada Faay dhuubo oo oynaya waxa uuna igu yiri: Hooyo ayaa igaraacday markii liiska xilalka laga waayay magaceyga .

waxaan ku iri: hooyadaa maseyr iyo Mucaaradnimo waan ku ogaa ee maxeey saan kuugu garaacday. ( Fiiri sawirka : 1aad).

Anniga oo maslaxa u socda wiilkiina gacanta ka hayo oo is xanaajinayo, oo u indha guduudinayo ayaan garaacay Albaabkii, waxaa la iga horkeenay jalamad Biya karkaraya ka buuxaan,duudkii waa bucbucday, dhaawaceyga ayaaba ka daran kii wiilka ( F.S: 2aad).

Waan ku aqiin Faay dhuubo Qaylo, (F.S: 3aad). Haraanti ( F.S: 4aad) garuun in leygu tumo( F.S: 5aad) dhulka la igu jiido ( F.S: 6 aad). kadibna anaaba iska hogaansami jiray, waana la iska dhaqmi jiray ( F.S:7aad). Laakin sidaan kama fileeyn Faay dhuubo.



Anniga oo tix galinaya soo jeedinta deriska, cadaalada labada qoys, iyo dhaawaca i soo gaaray. Waxaan go’aamiyay in aan dib u eegid ku sameeyo xilalkii loo magacaabay qoyska Xaliimo. Waxaana dib loo magacaabi doona marka aan ka soo bogsado daawaca masuuliyadeed ee labada qoys, aniga iyo wiilkuna aan caadi u jiifan karno, la tashiyana aan la sameeyo deriska iyo odayaasha xaafadda, Baxar iyo Biya kulul kama ceynto,minyara maseyrtana!!!!.

Ha siyaasadeeyn Arrimaha qoyska.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip