Xil magacaabid .( wareegto No.xxx 4445)

0
Friday August 17, 2018 - 19:28:40 in Wararka by
  • Visits: 767
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xil magacaabid .( wareegto No.xxx 4445)

    Dhamaan, qaraabda, ehelka , deriska iyo asaxaabta soo booqata gurigeeyga, waxaa la ogeysiinayaa in isbedel lagu sameeyay maamulkii Guriga. Markaan arkay tala soo jeedinta xaaska weyn Xaliimo, markaan tixgaliyay baahida howleed ee guriga ka jirto, iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhamaan, qaraabda, ehelka , deriska iyo asaxaabta soo booqata gurigeeyga, waxaa la ogeysiinayaa in isbedel lagu sameeyay maamulkii Guriga. Markaan arkay tala soo jeedinta xaaska weyn Xaliimo, markaan tixgaliyay baahida howleed ee guriga ka jirto, iyo in uu dhaco isbedel la jaanqqaadi kara waqtiga.

Waxaan go’aamiyay.

In wiilka Curadka ah Axmad xilka laga qaado, loona dhiibo curad xigeenka oo mar dhaw ka yimid qurbaha (F.S 1aad). Waxaa dalacaad iyo xil cusub loo magacaabay yaraankii qoyska oo arrimaha maaliyada loo dhiibay( F.s: 2aad) curad xigeenka 2aad Cali Baanjo waxaa loo dhiibay arrimaha xuuraanka iyo ka warqabka guriga ( F.S: 3aad). Faarax madoobe waxaa loo magacaabay Baraagta guriga & in aan biya la’aanu ka dhicin Guriga ( F.S:4aad). Xassan ayaa xilkii laga qaaday sabab la’aan waxaana loo dhiibay Xussen. ( F.S: 5 & 6aad). Arrimaha la socodka deriska waxaa loo magacaabay Cabdulle ( F.S: 7aad). Adeer Maxamuud waxaa loo magacaabay Xil guud iyo in uu qoyska kor kala socdo.

Waxaa i soo gaaraya in xaaska kale Faay dhuubo oo horeba mucaarad ugu aheyd xaaska weyn, in ay caruurteeda u rabtay in xilal loo magacaabo, waxa ayna bilaawday hadalo mucaarad nima ah, markii caruurta gurigeedu ay xil u weeysay, Minyaro ama mucaarad noqo ama Sakiin liq ad lee waaye.

Wabilaahi towfiiq shaqada hala cabo.

Arrinta qoyska ha siyaasadeyn

Qore: Yahya Amir





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip