Saameeyn ma nagu leeyahay ?,Turkey VS USA.

0
Sunday August 12, 2018 - 21:57:43 in Wararka by
  • Visits: 799
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saameeyn ma nagu leeyahay ?,Turkey VS USA.

    Aragti dhaqaale & Codsi. Hoos u dhaca ku yimid Lira -ha Turkigu saameyn ma nagu leeyahay?.Haa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aragti dhaqaale & Codsi. Hoos u dhaca ku yimid Lira -ha Turkigu saameyn ma nagu leeyahay?.Haa.

Xasarada cusub ee Liruhu ma ahan asalkeedu mid dhaqaale ee waa mid siyaasadeed, kadib markii Turkigu xiray Andrew Brunsom oo ahaa nin diinta kristianka Ku fidinayay turkiga, howla sirdoona ka waday halkaa, mareeykankuna uu laba jibaatay Tariffs kii laga qaadi jiray Birta & Aluminum ka Turkiga laga keeno. Maalgashada yaal reer galbeed ahina ay la bexeen Lacagtoodii.

Hoos u dhaca Lira – ha Turkigu waxa uu wax ka bedelay sarifkii, laakin weli wax soo saarka Turkiga, wax iska bedelayo ma jiraan waqtiga dhaw ,wuxuu ahaanayaa wax soo saarka guduhu sidiisii 860 Billion USD-GDP/ sannadkii.

Turkigu waxa uu yareydoonaa kharajyada qaar, deeqaha & mashaariicda uu dibadda dalkiisa ka wado, kuwaa oo aan ka mid nahay. Waa la hubaa Turkigu siriqdan si fudud ayuu uga bixi karaa.

Dhinaca kale wadamada isticmaala Lacagta Euro ee eurozone ayaa durba hoos u dhac Ku yimid waase mid yar weli 0.1% ah.dhowr Bank oo reer galbeedka ah ayaa iyana bilaabay welwel sida Swiz Bank. Weliba culeeysku waa Ku sii badan karaa wadamadaa, haddii shiinuhu bilaabo in uu Turkiga ka qaato badeecadaan. weliba Sarifka oo hadda ah 6.47L= 1$ ,sabeeyntiisu ma ahan mid habeysan.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa khudbadiisii shalay ku soo koobay adinkuna Dollar ka ayaad leedihiin, Annaguna Allaah ayaan leenagay.

Codsi:

Waxaan ka codsanayaa masuuliyiinta somalida in khilaafka u dhexeeya Turkiga iyo Mareykanka ayna ku deg degin , si looga baaqsado culeys la mid ah kii naga soo gaaray mowqifyadii aan ka qaadanay arrintii khalijka, tii Eriteriya & jabuuti, Sucuudiga iyo Canada.

Arrintaan in laga aamuso ayey ku haboontahay, intii la dhihi lahaa dhaxdhaxaad ayaan ka nahay, ama qolo la eedeeyn lahaa, Waa iga talo deg degu ma fiicna.

Wixii iga khaldan iga sax. Arragtidaadu waa muhim.

Qore: Yahya Amir.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip