Falanqayn: Dhaq dhaqaaqyada Daacish ee Soomaaliya

0
Friday August 10, 2018 - 19:05:51 in Wararka by
  • Visits: 735
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Falanqayn: Dhaq dhaqaaqyada Daacish ee Soomaaliya

    Kooxda dawladda Islamiga oo loo yaqaanno (IS) ama Daacish, ayaa si la dareemi karo bilihii la soo dhaafay u kordhinayey weerarrada ay ka gaystaan Soomaaliya, ka dib khasaarihii kooxda ka soo gaaray halka xuddunta u ahayd ee Suuriya iyo Ciraaq, dabaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda dawladda Islamiga oo loo yaqaanno (IS) ama Daacish, ayaa si la dareemi karo bilihii la soo dhaafay u kordhinayey weerarrada ay ka gaystaan Soomaaliya, ka dib khasaarihii kooxda ka soo gaaray halka xuddunta u ahayd ee Suuriya iyo Ciraaq, dabayaaqada sannadkii hore.

Sheegashadii ugu weynayd, ayey bishii Luulyo ku sheegteen inay dileen ama dhaawaceen 14 askari oo ka tirsan askarta Soomaaliya, weerar bambo oo ka dhacay Shabeelaha Hoose ee koofurta Soomaaliya.

Qaybta warqabadka ee BBC ayaa uruurisay xog la xiriirta weerarrada ay daacish ka gaysatay Soomaaliya, intii u dhaxaysay Janaayo – Luulyo 2018, taasoo muujinaysa arrimo xiiso leh oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa ay kooxdu ka waddo dalka.

Weerarrada ay kooxdu sheegatay ee Soomaaliya badankood waxay ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsaday sirdoonka Soomaalida iyo ciidanka amniga, ayadoo qaarkood si aan qarsoodi lahayn loo duubay oo ay u dheceen dharaar cad.

Ayadoo kooxdu ay hore u sheegatay weerarro badan oo ka dhacay magaalada caasimadda ka xigta dhinaca koofur galbeed ee Afgooye, ayaa badi dadka ay dhawaanahan dileen waxaa la sheegay inay u badnaayeen agagaaraha Muqdisho.

Kororka weerarrada

.

Xogta warbixintan ku xusan waxay ku salaysan tahay hadallo rasmi ah oo kooxda IS ay ka sii daysay maxaddadahooda ay ku leeyihiin barta telegram.

Sida ay xogtu sheegayso, IS waxay sheegatay 39 weerar oo ka dhacay Soomaaliya, intii u dhaxaysay 1 Janaayo – 31 Luulyo.

27 ka mid ah weerarrada waxay dheceen bilihii Maajo, Juunyo iyo Luulyo, waa sare u kac aad u weyn marka la barbar dhigo bilaha kale.

Waxay kaloo ka duwan tahay sannadkii 2017, markaasoo IS ay sheegatay 21 weerar oo ka dhacay Soomaaliya sannadka oo dhan.

IS waxay ku tilmaantay weerarradaas badidood "khaarajin” ama "khaarajin toogasho”. Waxaa iyagana jira qaar loo adeegsaday waxyaabaha qarxa.

Marka la eego bartilaameedyada, kooxdu waxay inta badan weerartay askar ka tirsan booliska iyo milateriga soomaalida.

Waxaa iyagana weerarrada lala beegsaday ciidanka sirdoonka iyo shaqaalaha dawladda.

Inkastoo tiro ahaan ay sare u keceen dhaqdhaqaaqyada IS ee Soomaalida, ayaa haddana noocyada weerarradaas waxay yihiin kuwo heerkoodu hooseeyo oo muujinaya awoodda xaddidan ee kooxdu ku dhex leedahay dalka.

Tani waxay gaar ahaan run noqonaysaa marka la barbar dhigo jihaad doonayaasha uu xafiiltanku kala dhaxeeyo ee Soomaaliya gudaheeda, waa kooxda Al Shabaab, kuwaasoo qaraxyo iyo weerarro waaweyn ku qaada bartilmaameedyada ciidanka iyo dawladda, iyo kuwa ciidamada Afrikaanka.

Xaqiiqadii, joogitaanka Al Shabaab waa caqabad weyn oo ku hor gudban awoodda ay IS u leedahay inay horumariso hawlgalladeeda dalka gudihiisa.

Aag beddelasho

.
Image caption.

Mintidiinta IS ee Soomaaliya waxay sameeyeen dhaqaaq weyn oo ay kaga soo ruqaansadeen waqooyiga bari ee dalka, ayagoo soo aaday dhinaca koofureed.

39ka weerar ee ay sheegteen, 23 ka mid ah waxay ka gaysteen magaalada Muqdisho. Dhowr kuwaas ka mid ah waxaa laga gaystay gudaha ama agagaarka suuqa Bakaaraha oo ku yaalla bartamaha Muqdisho.

Laba kaclaynta weerarrada IS ee Muqdisho waxay aad u soo shaac bexeen Maajo 2018.

Isla wakhtiayadaas, Daacish waxay sheegatay 9 weerar oo ka dhacay Afgooye iyo 3 ka dhacay magaalada Boosaaso.

Warbixinnadu waxay sheegayaan in arrinta yaabka leh ay tahay ka soo guuridda ay kooxda IS ka soo guurtay Puntland, oo ah halkii markii hore lagu ogaa, oo ay soo aadday koofurta.

Dhaqaaqaas waxaa loo aanaynayaa inuu yahay istaraatijiyad looga gol-leeyahay in looga faa’iidaysto nabadgelyo la’aanta ka jirta koofurta Soomaaliya.

Warbaahinta IS

.

Wararka ugu badan ee IS ay ka sii deysay Soomaaliya waxaa la sii daayey intii u dhaxaysay Janaayo – Luulyo 2018, waxaana sii deysay "wakaaladda wararka” ee iskeed isku caleemo saartay ee kooxda (AMAQ).

Amaq warbixinnadeeda waxay leeyihiin naqshad iyo muuqaal iyo luqad ka duwan wararka IS ee ay sii daayaan xafiis goboleedyada iclaamka u qaabilsan kooxda.

Wararka Amaq waxay u yara eg yihiin hanaanka ay warbaahinnadu wax u tabiyaan, mana laha astaamo muujinaya borobagaando IS, sida tixraac diimeed, amaan guul lagu sheeganayo, aflagaaddo loo gaysanayo kooxaha ka horjeeda, iyo magacyo la siinayo gobollada iskood ay magacyada ula baxeen.

In badan oo ka mid ah warbixinnada Amaq ee Soomaaliya waxaa la socday weerarrada la sheegayo, ama fiidiyowyo muujinaya wixii meesha ka dhacay.

Badi waxay muujinayeen wax u muuqda toogashooyin bartilmaameedyo, kuwaasoo badankood af-saar ah. Waxaa laga duubay meelo dadweyne isugu yimaadaan, ayadoo ay dharaar cad tahay.

Sawir muujinaya dil la fulin rabo, Muqdisho Abriil 2018

Video ay Amaq soo saartay 19 Luulyo ayaa muujinaya nin toogasho ku dilaya sarkaal ka tirsan sirdoonka Soomaaliya, xilli maalinnimo ah, isgoyska Siinaay, halkaasoo u muuqata inay tahay meel saxmad badan.

Fiidiyow kale oo la duubay 29 Juun wuxuu muujinayaa in rag dharcad ah ay toogasho afsaar ah ku dilayaan laba nin, meel waddo ah, xilli maalin ah. Kooxdu waxay sheegtay inay dileen labo "shaqaale maaliyadeed” oo u shaqeeya xukuumadda Soomaaliya, suuq Muqdisho ku yaalla.

Fiidiyow la sii daayey 7 Maajo ayaa isna muujinayey rag dharcad ah oo tooganaya qof la sheegay inuu ka mid yahay sirdoonka Soomaaliya, ayadoo qofkaas uu saarnaa gaari caasi ah. Mar kale, weerarkan wuxuu dhacay dharaar cad.

Inta badan ragga weerarka qaaday gadaashooda ayaa filim laga duubayey ama meel cabaar u jirta.

Marka laga soo tago fiidiyowyada Amaq, kuwaasoo badidood kooban, muuqaalladoodana ay yihiin kuwo sidii loo soo qaaday ah, IS waxay ilaa hadda soo saartay hal filim oo weyn oo borobogaando ah, kaasoo loogu tala galay Soomaaliya, bishii Disembar 2017.

Fiidiyowgaas wuxuu kiciyey weerarro in lagu qaado bartilmaameedyo reer galbeed intii lagu guda jiray munaasabadda masiixiyiinta ee dhamaadka sannadka iyo dabaaldegga sannadka cusub.

Haddaba ayadoo Amaq ay tahay halka rasmi ahaan looga sii daayo waxyaabaha ay IS baahiso, ayey haddana xaqiiqada ah in warbixinnadaas ay ka muuqdaan Amaq oo qura, halkii laga sii deyn lahaa xafiis goboleedyada iclaamka ee IS ay ku leedahay Soomaaliya waxay ka turjumaysaa qaabka weerarradaas ay u samaysan yihiin oo ah kuwo hooseeya.

Warar ku xaddidan in Amaq ay tabiso oo kaliya, ayaa iyadana ah waddo kale oo muujinaysa in IS aysan lahayn Walaayad, ama gobol, iyadu ay xukunto oo ku yaalla Soomaaliya.

Warbixinnada Amaq looma isticmaalo ereyga "Wilaaya”, halka wararka ka soo baxa gobollada loo isticmaalo.

Joogitaanka IS ee Soomaaliya

Muumin wuxuu borobagaando ka soo muuqday markii u dambaysay 2016

IS ama Daacish waxay ku dhawaaqday in ay koox ku leedahay Soomaaliya dabayaaqadii 2015.

Xubnaha kooxdaas waxay badankood ka tirsanaan jireen kooxda ay xafiiltamaan ee Al Shabaab. Sidaasoo ay tahay IS weli sare uma aysan qaadin joogitaankeeda, oo ma aysan gaarsiin heer ay "Wilaayad” ama gobol yeeshaan, taasoo micnaheedu yahay laan- goboleed rasmi ah.

Inkastoo kalmadda "Wilaaya” ay dhowr goor ka soo muuqatay warar ay warbaahinta IS qortay , ama kuwa ku xiran qolyaha sii baahiya wararka ay Internetka galiyaan, isticmaalka kalmaddan wuxuu u muuqdaa mid si kama’ ah u dhaca ee aan caadi ahayn.

Tan iyo dabayaaqadii 2015, IS waxay u muuqatay inay ka taxadaraysay in kalmadda "Wilaaya” ay u adeegsato qolyaha gobollada ee ay gacan saarka leeyihiin, gaar ahaan xilli tiro badan oo ka mid ah wilaayaadkooda ku yaalla Sacuudiga iyo Aljeeriya ay guuldarrooyin soo wajaheen.

Marka la eego xagga hogaanka, wadaadka uu fadhigiisu ahaa UK, Sheekh Cabdulqaadir Muumin, ayaa aad loo sheegaa in uu yahay madaxa kooxdaas mintidiinta ah ee Soomaaliya.

Muumin iyo Dagaallameyaal kale ayaa Shabaab ka goostay Oktoobar 2015, waxayna ka soo muuqdeen fiidiyow, ayagoo ugu yaboohaya daacadnimadooda hogaamiyaha IS, Abuubakar Al-Baqdaadi, markaasoo ahayd markii ay IS ugu awoodda badnayd.

Yaboohaas waxaa isla markiiba ku xigay olole xagga iclaamka ah oo IS ay ku bartilmaameedsanaysay dagaallamayaasha Shabaab inay soo goostaan.

Raggii soo goostay waxay taliye ku xigeenka Muumin u doorteen Mahad Macallin.

Muumin wuxuu dhinaca kale ku dadaalay inuu dagaallameyaal ka qorto Al Shabaab, uuna joogitaan adag ku yeesho gudaha dalka, ayadoo ay Al Shabaab uga awood badnayd gudaha.

Waa si la mid ah arrinta IS ka qabsatay dalal ay Yemen ka mid tahay, halkaasoo kooxdu ay ku guuldarraysatay inay gudaha ugu faafto deegaannada kale ee dalka, joogitaanka Al Qaacida darteed.

Maraykanku wuxuu rumaysan yahay in Daacishta Soomaaliya ay hubka ka hesho Yemen.

Inkastoo IS dhaqdhaqaaqeeda Soomaaliya sannadkan ay kordhisay, haddana waxaa weli mugdi ku haya oo haraynaya kooxda uu xafiiltanku kala dhaxeeyo ee Al Shabaab.

Warbixin lagu qoray wargayska todobaadlaha ee al-Naba, bishii Luulyo 2018, waxay kooxdu kaga warrantay sida taageerayaasha IS ee Soomaaliya ay u dileen ama u qabteen wax ay ugu yeereen "Yuhuuddii jihaadka Soomaaliya” oo ah kalmad ay Daacish u isticmaalaan Al Qaacida.

Al Shabaab ayaa si aan gambasho lahayn ugu ugaarsatay mintidiinta IS gudaha dalka, ayagoo xataa dilay, ama xiray xubno ayaga ka tirsan oo sida la sheegay doonayey inay IS ku biiraan.

Xigasho:- BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip