Real Madrid oo qorsho wanaagsan u heshay in Modric ay ka dhaadhiciso inuu joogo kooxda

0
Wednesday August 08, 2018 - 19:36:31 in Wararka by
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid oo qorsho wanaagsan u heshay in Modric ay ka dhaadhiciso inuu joogo kooxda

    Laacibka kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa kusoo laabtay tababarka kooxda xilli si aad ah loola xiriirinayo Inter Milan. Wararka ayaa sheegaya in kubbad sameeyahan uu doonayo inuu ku biiro naadiga reer Italy, oo si xoog leh u baacsanaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laacibka kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa kusoo laabtay tababarka kooxda xilli si aad ah loola xiriirinayo Inter Milan. Wararka ayaa sheegaya in kubbad sameeyahan uu doonayo inuu ku biiro naadiga reer Italy, oo si xoog leh u baacsanaysa.

Los Blancos ayaa ka dhiidhineysa iibinta Modric, waxaana ay isku dayayaan inay laacibkan ku qanciyaan kasii ciyaarista Bernabeu.

32-jirkan ayaa kala hadlaya mustaqbalkiisa madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez.

Waxaana kooxda reer Spain ay qorsheyneysaa inay kabtanka Croatia u bandhigaan heshiis cusub kaasoo sare ay ugu qaadayaan mushaarkiisa.

Modric ayaa hadda ka qaata kooxdiisa Real Madrid mushaar la eg €8m xilli ciyaareedkii.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip