HABEEN LABA MAGAC LEH

0
Tuesday August 07, 2018 - 00:02:38 in Wararka by
  • Visits: 646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HABEEN LABA MAGAC LEH

    HABEEN LABA MAGAC LEH Waxaan ka maqalnaa Idaacadaha VOA iyo BBC "Waa habeen Arbaca oo Kamiisi soo geleyaso" !! Waa la yaab siduu hal habeen laba magac ku yeeshay? Halka habeen waa 12 saac in 6da hore Arbaca tahay 6da dambe Khamiis noqoto w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

HABEEN LABA MAGAC LEH Waxaan ka maqalnaa Idaacadaha VOA iyo BBC "Waa habeen Arbaca oo Kamiisi soo geleyaso" !! Waa la yaab siduu hal habeen laba magac ku yeeshay? Halka habeen waa 12 saac in 6da hore Arbaca tahay 6da dambe Khamiis noqoto waa waxaan macquul ahayn waayoo maalinta laba magac ma yeelato. Siduu habeenku ku yeeshay? Xisaabtaas waa xisaab Masiixi ah waxay aaminsan yihiin in Nabi Ciisa SCW uu dhahsy habeen bar oo saacadda ku xigta ay noqotary 1:00. Laaakin sidaan ku arkayno Suurat Maryam (Aayadaha 16-33) Waxaan halkan ku soo koobeynaa Aayadahaas. Waxay inoo sheegeyaan in Maryam oo dhanka bari uga baxday Qudus si ay uga qabaysato caadada oo maryo ay ka sameysatay daah ayaa Jibriil oo Banid Aadam la moodo ayaa u yimid waxay tiri
Maryam: ALLAH ka cabso oo iga fogow.

JIbriil: Waxaan ahay Malak waxaan ku siin rabaa wiil

Maryam: Sideen wiil u dhalaa nin ma guursan mana ihi dhillo.

Jibriil: ALLAH ayaa kugu abuuraaya. Wuu afuufay isla marki waxay yedelatay uur way calaacashay "Maxaan isaga dhiman waaayay oo qof la hilmaamo u noqon waayay” Waa foolatay waxay dhashay Nabi Ciisa SCW.

Jibriil: Webigan ayaa hoostaada maraaya biyo ka cab geedkan lul timirta ka cun dadkana u sheeg inaadan la hadlayn.

Markey timid degmadi iyadoo xambsaarsan wiilki waxay ku yiraahdeen Maryamey Aabbahaa nin xun ma ahayn Hooyadaana dhillo ma ahayn xagged ka keentay wiilkan? Farta ayay ugu fiiqday waxay ku yiraahdeen sideen ula hadalnaa dhallaankan ? Nabi Ciisa SCW wuxuu yiri waxaan ahay addoon Eebbe oo kitaabka Injiil ayuu I siiyay wuxuuna iga dhigay Nabi Baraka leh. Wuxu I faray salad iyo inaan baarri u noqdo waalidkey intaan noolahay.

Halkaas waxaa inooga cad in xilliga ay ula timid ineysan habeen bar ahayn waayo berigaa dadku saacaddaas sooma jeedin. Marka xisaabtaa habeenkaas labada magac leh wax jira ma aha.

 

Annaga Nabigeennu SCW wuxuu inoo sheagay Xadiithki uu weriyay Abuu Hureyrah

عنأبي هريرةأن رسول الله صلى الله عليه وسلم قالمن اغتسل يوم الجمعة غسل الجنابة ثم راح في الساعة الأولى فكأنما قرب بدنةومن راح في الساعة الثانية فكأنما قرب بقرة الحديث .

Wuxuuinoo sheegay in qofki u qubaysta maalinta Jimcada sidi qof galmooday oo kale ee saacadda 1aad taga Masjidka wuxuu la mid yahay qof gawracay neef geela oo sadeqeestay, qofkli taga saacadda 2aad wuxuu la mid yahay qof gawracay neef lo`a ilaa saacadda 5aad wuxuu la mid yahay qof bixiyay ukun”. Waxaa nooga cad in maalinta sacadda ugu horreysa ee 1aad tahay HAL SAAC oo aysan ahayn 7da aroornimo sidaan ka barannay xisaabta Masiixiga. Halkaa waxaa inoga cad in xisabta maalinta iyo habeenka mid walba ay tahay12 saac oo ka billabaa 1 saac subaxnimo iyo 1 saac habeennimo. Habaanki bilowgiisa waa waqtiga ay is beddeso taariikhad markay dhalato bisha Islaamka. Quraanka mar walba uu sheeegaayo habeen iyo maalin waxaaa soo horreeya habeenka waa xilliga isbeddelka ka bilowdo oo bishu ay dhalato. waxaad ka fahmeysa Aayaddaan

وَجَعَلْنَا اللَّيْلَ وَالنَّهَارَ آيَتَيْنِ ۖ فَمَحَوْنَا آيَةَ اللَّيْلِ وَجَعَلْنَا آيَةَ النَّهَارِ مُبْصِرَةً لِّتَبْتَغُوا فَضْلًا مِّن رَّبِّكُمْ وَلِتَعْلَمُوا عَدَدَ السِّنِينَ وَالْحِسَابَ ۚ

 

Habenka iyo maalinta waa calaamado muujinaaya awoodda Eebbe maalintu waa ifeysaa habeenkuna waa mugdi si aad ula socotaan xisaabta bisha iyo sannadka. Halkaa waxaa ka cad iyo habeenka iyo maalinta iyo siman yihiin (mid walba waa 12 saac) haba kala dheeraadaano waqtiyada qaar habeenku badan yahay iyo mid maalintu badan tahay. Berigi uu ka talinaayay Sacuudiga Boqor Feysal saacadaha sidan caadiga ayaa loo sheegi jiray. Raadiyo Muqdisho waxaan ka maqli jirnay "Saacaddu waa 8dii ama 2dii Duhurnimo qof walba siduu u yaqaan”. Xarun ay Masaaridu ku lahayd ka soo horjeedka Hotel Jubba oo la dhihi jiray المركز الثفافي الاسلامي waxaa lagu qaban jiray Muxaadarooyin ay jeedin jiren Culimadi Azhar iyo Macallimiinti Ergada Waxbaashada Masaarida. Waqtiga waxaa lagu sheegi jiray (06:30 أفرنجي ) iyo (12:30 عربي) Sidaas ayaa lagu kala garan jiray.

Axadithta naga reebeysa inaan isu ekeysiinno ama ku dayanno Yuhuuddda iyo Nasaarada waa badan tahay waxaan ka soo qaadaneynaa xadiith kan

عن ابْنِ عُمَرَ رضي الله عنهما قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( مَنْ تَشَبَّهَ بِقَوْمٍ فَهُوَ مِنْهُمْ ) رواه أبو داود

Macnaha Xadithka waa nin walba qoladi uu isu ekeysiiyo ayuu ka mid yahay. Waxaa inala faray inaan wax walba ku khilaafno oo ka duwananno. Saacadaha waxa inoo keenay Isticmarki Ingiriiska iiyo Talyaaniga wuxuu ina baray inaan bidixda ku xiranno sidoodana aan u qaadanno xisaabta saacadda. Hadda waa inaan ku xirannaaa midigta xisaabtana aan ka duwanaanno sidey u xisabtaan. Bilaha Jan. Feb ilaa Dec. waa magacyo ninki u dhabba gala uu ku arkaayo inay xambaarsan yihiin tilmanta diinta Masiixiga. Waxaaa si fiican u faah faahiyay Sh. Musafa.

HABEEN LABA MAGAC LEH


Ugu dambeynti waxaan ku talin lahaa inaan isku dayno inaan baranno bilaha diiinteenna iyo cibaadadeenna ay ku dhisan tahay ee Soonka, Xajka, Ciidaha, Cuddada dumarka lagu xisaabiyo inaan fiiro gaar ah u yeelanno lana soconno tirade bisha si aan u fulinno tilmaamaha Quraanku inagu boorrinaayo inaan la soconno. Warku intaan wa ka badan yahay laakin malah marar kale ayaan wax sheegi donnaa insha ALLAH. Maqaalkad dambe waxaan ku faah faahin doonnaa bartamaha caalamka meesha ay tahay si looga qaato xisaabta saacadda iyo Ingiriisku siduu ku keenay xisaabtan loo yaqaan GMT isagoo u dan leh inuu meesha ka saaro xisaabta ku dhisan bartamaha caalamka oo ah Makka.

 

Xasan Faqay Maxamed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip