MAQAAL: MUQDISHO CAASIMAD IYO SHACAB DULMAN

1
Wednesday August 01, 2018 - 00:21:06 in Wararka by
  • Visits: 719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAQAAL: MUQDISHO CAASIMAD IYO SHACAB DULMAN

    Muqdisho waxaa ku nool shacab dulman oo aan haysan xildhibaano iyo waxgarad u dooda, dowlanimaduna waxey ku tahay culeys iyo shido sababahan soo socda awgood: 1. Dowlada Federaal waxaa miisaaniyad u ah (Budget) canshuurta laga qaado gobolka Banaadir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho waxaa ku nool shacab dulman oo aan haysan xildhibaano iyo waxgarad u dooda, dowlanimaduna waxey ku tahay culeys iyo shido sababahan soo socda awgood: 1. Dowlada Federaal waxaa miisaaniyad u ah (Budget) canshuurta laga qaado gobolka Banaadir. 42 malyan ayey baxsheen shacabka Muqdisho mudo 3 bilood ah sida uu sheegey wasiirka maaliyada ee dowlada federaalka mudane Beyle. Magaalada kuma yaal hal iskuul oo lacag la'aan ah oo wax lagu barto kasoo dowlada maamusha ama hal isbitaal oo (Public) ah.

Canshuurta ay bixiyaan in wax loogu qabto iska daa, taas bedelkeedda waxaa lagu laayaa dhalinyarada magaalada Muqdisho ku nool, maalin walba waxaa dhalinyaradii si macna dara u dila askari dowlada ka tirsan kasoo shaley mooryaan ahaa, asaga oo sidiisii dilaa u ah oo aan wax tababar iyo dishibiliin ciidan la siin waddadii la istaajiyey, lacagta canshuurta shacabka laga qaadey baa wiilashooda lagu dilaa, cid ka hadashaana ma laha.

Xildhibaanada iyo wasiirada magaalada u dhashey waxey noqdeen danleey aan shacabkooda dan ka lahayn.

Dhalinyarada Bajaajka ku shaqeysta maalin walba ayaa sabab la’aan loo dilaa waxaana maqalnaa askarigii diley wuu baxsadey, dabagal ma jiro, ciddi looma soo qabto wuxuuna dilkii noqdey wax iska caadi oo aan laga doodin.Xitaa saxaafadii waxey gudbiyaan keliya dhacdadda laakiin kama doodo kama faalloodaan dilalkan soo noq noqdey waxey xooga saaraan waxyaabo kale oo qiimo lahayn.

Wadooyinkii baa iska xiran oo dhaqdhaqaaqii shacabka ayaa la xayirey sidoo kale ganacsigii, waxbarashadii iyo goobihii caafimaadka baa go’doosan, hooyooyinkii ayaa wadooyinka ku foosha haddana qaraxyadii iyo dilalkii wey socdaan oo wax joogsadey ma laha. Ma jiro jiro mas’uul dowladeed oo ka hadla, wasiirkii Amniga wuxuuba yiri cidda ka hadasho wadooyinka xiran waa qof taageersan Al Shabaab !.

Mararka qaar baan isweydiiyaa madaama wadanka federaal noqdey soo uma haboona shacabka Muqdisho in caasimada laga raro, dowladana ka guurto si culeyska saaran ugu yaraado magaalada. Canshuurta malyuumaadka ah ee dowlada federaalka ka qaadatana ugu haro gobolka.

Reer Muqdisho ugu yaraan sanadkii 120 malyan canshuur ah ayey bixiyaan, haddii lacagtaa u harto gobolka Banaadir imisa iskuul, isbitaal iyo wadooyin baa lagu dhisi karaa. 100% caruurta Muqdisho ku noolna waxaa loo heli karey waxbarasho lacag la’aan ah, qaraxyadana waa ay ka yaraan lahaayeen Ilayn Al Shabaab dowlada federaalka ayey la guuri lahayd.

Waxaa xusid mudan in dowlada Puntland in 60 ilaa 70 malyan sanadkii ka hesho dekada Boosaaso lacagtaasna Puntland soo ma dhaafto oo xitaa hal malyan kuma daraan miisaaniyada dowlada federaalka waxaa intaas u sii dheer dhaqaalaha caalamka bixiyo oo ay ka helaan 30%. Sidoo kale dekada Kismaayo dhaqaalaha ka soo xarrooda ma soo dhaafaan magaalada Kismaayo.

Haddaba reer Muqdisho soo uma haboona in caasimada ka tanaasulaan si gobolka Banaadir dowlad federaal u noqoto ( Banaadi/Sh/hoose) si naftooda iyo maalkoodu ugu badbaado.

Ilyas Mohamud Hussein



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip